Farmaajo oo lagula taliyey in uu ka laabto xeer uu soo saarey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyne Farmaajo waa in uu ka laabtaa xeerka madaxweyne ee muranka dhaliyey kaasoo uu dib ugu dhigay meelmarinta kama dambeysta ah ee dastuurka, sidda uu kula taliyey Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynihii 8aad ee Soomaaliya oo Khamiista maanta ah shir jaraa'id ku qabtay magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa wareegtada uu soo saarey Farmaajo wuxuu ku sifeeyay "mid lahayn sal sharciyadeed iyo qaanuun toona".

"Waxay ahayd in arrintaas ay shir ka yeeshaan labada gole ee baarlamaanka federaalka ah, qaraar kasoo saaraan, qaraarkaas xafiiska madaxweynaha la geeyo, madaxweynuhuna uu wareegto kusoo saaro kadibna baafinta rasmiga ah lagu soo qoro, sidaas waaye habka sharciga ah, waajibka dastuuriga ah uu farayo," ayuu yiri Xasan oo kamid ah musharaxiinta tartanka doorashooyinka 2020-21.

Sidda laga soo xigtay Xasan, madaxweyne Farmaajo ayaa is-hortaagay kulan lagu wadday in Arbacadii shalay ahayd ay Muqdisho ku yeeshaan xubnaha laga Aqal kaasoo 16-kii December, 2020 uu muddeeyay afhayeenka Golaha Shacabka.

"Madaxweynaha maanta wuxuu sameeyay waa [kelitalisnimada] dhismaheeda oo horey loosii qaadey. Guddigii doorashooyinka oo la isku-khilaafsan yahay oo kala dhiman oo dowlad goboleedyadda ay ka maqan yihiin oo saraakiisha, saraakiil xigeenada iyo shaqaalaha rayidka la leeyahay ha laga saaro ayuu yiri 'dhaqsada jadwalka isoo saara' maantana tanuu ku xijiyey; berri maxaa la filayaa madaxweynaha laga sugayaa dalkan ma waxaa loo celinayaa in digreeto madaxweyne lagu xukumo? dastuurka la laalay soo lama micno ma aha? Dadka Soomaaliyeed dhugooda ha furaan Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, [kelitalisnimada] dhismaheeda ayuu dabaq kale kusii daray maanta," ayuu hadalkiisa ku daray hogaamiyaha Xisbiga Midowga Nabada iyo Horumarka.

Farmaajo ayuu cod dheer ku ogeysiiyey "hadii aad dardarto dastuurka [kumeelgaarka ah], waxaad dardareysaa madaxweynenimadaada, waa mudada kuu hartay, waxaad dardareysaa xushmada uu ku siiyey dastuurka ee madaxweyne aad ku tahay; kursiga aad ku fadhiso ayaa hoosta dab uga burburineysaa ee ogow sax ma ahan ogow".

"Madaxweynaha waxaa ku waaninayaa ugu caqli celinayaa in uu la laabto digreetadda maanta," ayuu ku daray Xasan oo intaas ku daray in Guddiyada dib-u-eegista dastuurka ee Farmaajo la kulmay ay madaxweynaha "farta ugu fiiqee wadada saxda ah ee sharciga xeerinayo balse uu ka weecda".

Guddoonka labada Aqal ee baarlamaanka federaalka iyo mudaneyaasha goleyaashaas ayuu ku tartarsiiyey in aysan dayacin waajibaadka ka saaran ilaalinta dastuurka ayna ka dhiidhiyaan talaabada madaxweynaha.

"Hadaad qaban weydaan Ummadda Soomaaliyeed u sheega cidda idinka hortaagan dhegahooda ha maqlaan," ayuu raaciyey hadalkiisa. "Dalkan in digreeto lagu xukumo waxay nasoo gaarsiisay meesha aan maanta joogno ma yeelayno, shacabka Soomaaliyeed yeeli maayo in digreeto lagu xukumo dalkan".

Dowladda Farmaajo ee muddo xileedkeeda uga hartay bil iyo maalmo qura ayaa ku fashilantay qabyo-tirka dastuurka, qabashada doorasho qof iyo cod si lamid ah xasilinta dalka; qodobadaas oo hirgelintooda uu ku galay ololihii sanadka 2016.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Seychelles oo bilaabaysa maxkamadeynta burcad-badeed Soomaali ah

Raggan ayaa loo haystaa weerar lagu qaaday markabka Chrystal Arctic oo sitay calanka Jaziirada Marshall.

  • Soomaliya

    18-05-2024

  • 03:42AM

War-murtiyeed laga soo saarey shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Shirka 9-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kusoo dhamaadey magaaladda Muqdisho.

  • Soomaliya

    17-05-2024

  • 04:03PM