Murashaxiinta oo "ku biiraya" isu-soo-baxyada Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Midowga Murashaxiinta ayaa si adag u cambaareeyay rasaastii ay ciidanka dowladda ku fureen shacabkii "sidda nabad ah ugu mudaaharaadayey Muqdisho".

Madaxweyne Farmaajo ayay sheegeen in uu uu qaadayo mas'uuliyadda khasaaraha ka dhashay "maadaama uu u adeegsaday ciidanka uu tababartey ee Gorgor iyo Haramcad".

Sidda ay goobjoogeyaal u sheegeen warsidaha Garowe Online, iska hor-imaadka oo dhexmaray askarta dowlada iyo ciidan ilaalinayey banaanbaxayaasha waxaa ku dhaawacmay afar shacab.

"Taliska ciidanka nabad-sugida iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa ku raadjooga dadkii mudaaharaadka ka qeybgalay," ayay sheegeen iyaga oo codsaday in lasii daayo "dadka la xiray lana joojiyo baacsiga lagu hayo dadkii dibadbaxa ka qeybgalay".

Xilli ay sheegeen in muddo xileedka madaxweyne Farmaajo ka hartay 54 maalmood oo kaliya, ciidamadda ayay uga digeen in ay ku xadgudbaan dadka shacabka ah iyo waalidkooda.

"Madaxweyne Farmaajo wuxuu diidan yahay in ay dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah lana dhigo dibadbaxyo iyo kulamo nabadeed oo shacabku ku cabirayo aragtidooda si xor ah taasoo kasoo horjeeda dastuurka iyo qayimka caalamiga ah ee xuquuqul insaanka," ayay ku sheegeen murashaxiinta qoraal wadajir ah.

Ugu dambeyntii, dadweynaha ayay cod dheer ugu baaqeen in ay sii wadaan isu-soo-baxyadda nabadeed "waxaana ku balanqaadeynaa in aan kusoo biiri doonan banaanbaxyadda socda".

Hoos ka akhriso bayaanka murashaxiinta

Image may contain: text

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM