Farmaajo oo loo diray dalab la xiriira doorashooyinka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyne Farmaajo waa in uu dhageystaa talooyinka loo jeedinayo si meesha looga saaro walwalka iyo dareenka ku xeeran doorashooyinka, sidda uu ugu baaqay murashax madaxweyne.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir oo qoraal uu soo dhigay Facebook kaga falceliyey bayaankii shirka IGAD, ayaa rumeysan in qodob kamid uu xoojinayo baaq ay soo jeediyeen.

"Qodobka 14-aad ee war-murtiyeedkii ka soo baxay shir madaxeedka IGAD ee ka hadlaya doorashooyinka Soomaaliya wuxuu adkeeyey war-saxaafadeedkii ay sida wadajirka ah u soo saareen beesha caalamka 15-kii December. Qodobkaas ayaa sidatan u dhigan," ayuu yiri wasiirkii hore ee Qorsheynta dalka.

Warsame oo soo xigtay qoraalka Beesha Caalamka ayaa ku daray: "Waxaan ugu baaqaynaa Dowladda Federaalka ah, Dowlad Goboleedyada iyo saamileyda kale in ay xalliyaan khilaafka ka dhashay maamulka doorashada si kalsooni iyo wadar-ogol ah, iyadoo la tixgelinaya ruuxda heshiiskii iyo kii 17-kii September 2020".

"Horey ayaa Golaha Midowga Murashaxiinta iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku taliyeen in Madaxweyne Farmaajo uu hannaanka maamulka doorashada dhexda soo dhigo, lagana heshiiyo is marin waaga ka taagan qodobbada la isku hayo," ayuu hoosta ka xariiqay.

Siyaasiga ayaa kusoo gabagabeeyay hadalkiisa: "Waxaan mar kale kula talinayaa Madaxweyne Farmaajo in uu talada waxgaradka bulshada, siyaasiyiinta iyo beesha caalamka dhageysto, si meesha looga saaro walwalka iyo dareenka taban ee ay shacabku ka qabaan arrimaha doorashooyinka".

Qodobada ugu waaweyn ee la isku hayo waa guddiyadda maamulaya coddeynta iyo ciidamadda dowladda geysay gobolka Gedo halkaasoo Jubaland ay xustey in ay doorasho ka dhici doonin illaa askartaas laga soo saaro.

Is-mari-waagan aan wali xalka laga gaarin ayaa baajiyey jadwalkii ay ku heshiiyeen dowladda federaalka iyo maamuladda. Tani waxay xoojisay hubanti la’aanta ku geedaaman in coddeynta ay ku qabsoomi doonto waqtigeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamse oo furay kulan lagu darsayo kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya

Kulanka aqoon isweydaarsiga ah ayaa waxaa goobjoog ka ah Wasaaradaha Wax-soosaarka dalka.

  • Soomaliya

    05-05-2024

  • 04:50PM

Senator Maryan oo Xasan iyo Xamse ku waanisay “inay qabuuraha ka xishoodan”

Qoraal ay ku daabacdey baraha bulshadda ayay aad uga faallootey mawduucka boobka dhulalka ee soo badanaya.

  • Soomaliya

    05-05-2024

  • 01:09PM