Farmaajo oo loogu baaqay in ku daydo Theresa May

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku tartarsiiyay Madaxwayne Farmaajo in ka fal-celinta Mooshinka xilka qaadista uu uga daysado Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska

Ra'iisul Wasaaraha Ingiriiska, Theresa May, ayaa todobaadkii hore ka bedbaaday Mooshin xilka qaadis ah oo ay ka keeneen Xildhibaano ka tirsan Xisibigeeda "Muxaafidka" oo dhaliilay qorshaheeda ka bixitaanka midowga Yurub [Brexit].

“Waxaanu rabnaa in sida ay [May] iyadda oo haweeney ah ugu dhiiratay inay hor-tagto Baarlamaanka oo ay kalsooni waydiisatay, inuu eedaysane Madaxwayne Farmaajo uga daysado,” ayuu yiri Xildhibaan Fiqi.

Fiqi oo war-fidiyeenka ugu waramay faras-magaaladaha Muqdisho ayaa cod dheer ku qeexay inaanu marnaba gor-gortan ka geli doonin soojeedintooda, ayna kaliya u baahan yihiin inay soo Golle joojiyaan Madaxwaynaha.

Geesta kale, Xildhibaan Daahir Aamiin Jeesow, ayaa qiray inay socdaan wadaxaajoodyo la doonayo in lagu dhameeyo xasaradda ka dhalatay Mooshinka xilka qaadista Madaxwayne Farmaajo.

Isaga oo ka jawaabaya su’aal ku saabsan hadii ay jiraan dadaalo ka socda dhinacyo kala duwan – oo ay ku jireen dalal shisheeye – ayuu ku jawaabay: “Haa, waxaa socda waan-waan la rabo in lagu qaboojiyo xaaladda.

In ka badan 92 mudane oo Gollaha Shacabka ah 9-kii bishaan Gudoomiye Mursal u gudbiyay Mooshinkaasi, oo uu cadeeyay Afhayeenka inuu qabtay, inkastoo ay ku khilaafeen ku xigeenadiisa, taasi oo khal-khal siyaasadeed abuurta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM