Farmaajo oo Baydhabo ka furaya Shirka Amniga Qaranka

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Shirka Amniga Qaranka ayaa la filayaa in maanta oo Isniin ah uu si rasmi ah uga furmo magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed, ahna xarunta gobolka Baay.

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo] ayaa ayaa shir gudoomin doono kulanka, kaasoo oo ay ka qeyb-galayaan madaxda dowlad goboleedyada, Gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo Ra'iisul Wasaare Khayre.

Mudo Labo maalmood ah ayaa la sheegay inuu socon doono shirka, kaasi oo lagu gorfeyn doono arrimo muhiim ah, oo uu kamid yahay qeybsiga Khayraadka dalka. 

Arrimaha amniga iyo sidoo loo sameyn lahaa Ciidamo qaran oo awoodi kara inay mas'uuliyadda amaanka kala wareegaan AMISOM ayaa kamid ah ajandooyinka miiska u saaran madaxda dalka ee ku kulmaya Baydhabo.

Ciidamo gaar ah ayaa la dhigay wadooyinka Baydhabo, gaar ahaan xarunta Madaxtooyadda maamulka Koonfur Galbeed, waxaana dhaq-dhaqaaqa magaalada uu noqon doonaa mid xadidan inta uu socdo kulanka.

Shirkan ayaa ah mid saddexdii biloodba mar la qabto waxaana looga hadlaa amniga guud ee dalka, hannaanka federaalaynta, wadaaga khayraad dalka iyo tayeynta iyo isku dhafka Ciidamada. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM