Farmaajo oo magacaabay lataliyihiisa arrimaha doorashadda iyo siyaasadda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa lagu waramay in uu magacaabay lataliye u qaabilsanaan doona arrimaha doorashooyinka xilli uu taagan yahay khilaaf la xiriira nooca coddeynta 2020-21.

Sidda ay tibaaxayaan warbixinadda, Cabdi Cali Raagge, oo ah siyaasi caan ah, ayaa loo magacaabay jagadaas oo ay u wehliso arrimada siyaasadda. Illaa hadda, lama ogga sababta dhabta ah ee soo dadejisay magacaabida.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Cabdi ay suurtagal tahay in uu kasoo dhex-muuqdo xubnaha guddiga dowladda ee kasoo talobixin doona nooca doorashooyinka aan wali lagu heshiin ee sanadka dambe.

Hogaanka dowladda federaalka ayaa rumeysan in cod-bixinta soo aadan ay noqoto qof iyo cod, halka maamuladda iyo xisbiyadda ay soo jeediyeen in la aado mid dadban maadaama waqtiga uusan saami karin.

Qodobkaan ayaa ahaa midka kaliya ee dowladda federaalka iyo maamuladda isku fahmi waayeen intii uu socday shirkii Dhuusamareeb, kaasoo uu kasoo baxay heshiis xeerinaya in guddi wadajir ah u saaraan qadiyaddan.

Dadka qaar ayaa magacaabida Cabdi ku sifeynaya mid muujineysa in Farmaajo ka daadegtay in la aado doorasho dadban, maadaama sooyaalkiisa ay muujineyso in uu kasoo shaqeeyay hanaankii lagu galay doorashadii 2016.

Hase ahaatee, qaar kale ayaa aaminsan in ay sawir cad ka bixineyso in madaxweynuhu diyaar u yahay in uu difaaco aragtidiisa sidd weyn looo naqdiyey.

Cabdi Cali Raage ayaa horey u soo noqdey lataliyaha arrimaha siyaasadda ee madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam. Bishii April ee 2019-kii ayaa laga qaadey si uu uga howlgalo doorahadiika dhacdey Kismaayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM