Farmaajo oo magacaabay taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Farmaajo oo darajada Sarreeye Guuto u dalacsiiyey Cismaan Maxamed Cabdullaahi [Kaniif] ayaa u magacaabay Taliye Kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Sarreeye Guuto Cismaan Maxamed Cabdullaahi (Kaniif) ayaa wuxuu beddalay Taliye Ku xigeenkii hore ee Ciidanka Booliska Sarreeye Guuto Siciid Axmed Kadiye.

Sidda ku xusan digreetadda, Farmaajo ayaa u rajeeyey Sarreeye Guuto Cismaan Maxamed Cabdullaahi [Kaniif] in uu Alle u fududeeyo gudashada howlaha muhiimka ah ee horyaalla.

"Wareegtada Madaxweynaha oo salka ku haysa dadaallada joogtada ah ee sare u qaadista amniga iyo dib u habaynta laamaha ammaanka ayaa dhaqan galaysa laga bilaabo caawa oo Talaado ah 01-da, Oktoobar 2019".

Isku shaan-dheyntii u dambeysay

Bishii August ee sanadkan 2019 ayay ahayd markii isbedel lagu sameeyay hogaanka talisyadda kala duwan ee Ciidamadda Qalabka Sidda ee Soomaaliya.

Taliyaha Ciidamada Milatariga ayaa waxaa loo magacaabay Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage, wuxuuna bedelay Daahir Aadan Cilmi [Indhaqarshe].

Odowaa, oo shaqsi dhalinyaro ah, ayaa waxaa dhowaan loo xushay Taliyaha Ciidanka Lugta ee howlgalo kala duwan ka duwan gobolada Shabeelooyinka.

Taliyaha Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa waxaa laga dhigay, Fahad Yasiin Xaaji Daahir, kaasi oo si ku meel gaar ah u hayey markii la eryay Sanbaloolshe.

Taliyaha Booliiska ayaa waxaa loo magacaabay Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed, wuxuuna xilka kala wareegay Bashiir Cabdi Maxamed [Bashiir Ameeriko].

Taliyaha Ciidanka Asluubta ayaa waxaa laga dhigay Gen Mahad Cabdirahmaan Aadan. Jagadan waxaa laga xayuubiyay Bashiir Maxamed Jaamac [Goobe].

Isku shaadheynta ayaa timid markii bishii July ay Al-Shabaab weerartay xarunta dowladda Hoose ee Xamar ayna ku dishay tobban uu ku jiro gudoomiyihii gobolka ahaana duqa caasimada, Injineer Yariisow.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM