Farmaajo oo "mar kale ku tuntay" dastuurka dalka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu wareegto kusoo saarey xubnaha guddiga madaxa-banaan ee la dagaalanka musuqmaasuqa talaabadaas oo ah xadgudub kale oo ka dhan ah dastuurka, sidda uu sheegay Senator Abshir Axmed Bukhaari.

Inkasta oo wareegtadda ay ku taariikheysan tahay 31-ka bisha December, 2020, haddana xubno badan oo kamid ah mucaaradka ayaa rumeysan in ay tahay "been abuur" uuna saxiixay Farmaajo wixii ka dambeeya 8-da bishaan Febraayo sanadkan 2021 oo muddo xileedkiisa dastuuriga uu ku ekeaa.

Bukhaari, oo ah guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sarre, ayaa ku eedeeyay Farmaajo in uu "iska indhatiray dastuurka dalka".

Horaantii todobaadkan ayay ahayd markii ay soo baxdey warqad muujineysa in Farmaajo uu saxiixay xeer kaliya soo maray Golaha Shacabka iyo xukuumadda waqtiga ka dhamaadey oo ku saabsan Golaha Adeega Garsoorka.

Musharaxiin madaxweyne, Xildhibaano, siyaasiyiin iyo sharci-yaqaano oo cambaareeyay talaabadda uu Farmaajo ku dhaqaaqay ayaa xusay in uu damacsan yahay dhismaha Maxkamada Dastuuriga ah "si ay qiil ugu sameyso in uu xukunka baaqi kusii ahaado inta hogaan cusub ka yeelanayo wadanka".

"Waa kan @M_Farmaajo oo mar kale ku tumanaya Dastuurkii dalka oo sheeganaya in guddi ka mid ah guddiyada madaxabannaan uu ‘wareegto’ ku soo saaray isaga oo og in Dastuurku KMG ahi Qod.112aad uu qeexayo habraaca lagu magacaabayo guddiyada madaxabanaan. Waa hadoof & sharci daro," ayuu Senator Abshir Bukhaari ku daabacay bartiisa Twitter-ka.

Maadaama aysan muuqan ifafaalo dalka ugu dareerayo doorashooyin walina aan la gaarin heshiis rasmi oo kama dambeys ah, madaxweynaha waqtiga ka dhamaadeyna uusan si rasmi ah u farin xukuumadda in ay kaliya tahay xil-sii-gaarsiin, walaaca jira waa in mas'uuliyiinta ay fulinta danahooda u adeegsadaan shaarka dowladda.

Hoos ka akhriso qoraalka guddiga musuqmaasuqa

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ubax dhigay taalada SYL ee Muqdisho

Talaabadan ayaa waxa ay qeyb ka tahay xuska 81-sano guurada kasoo wareegatay aas-aaska SYL.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:45PM

Sayid Macalin Daa'uud oo mar kale lagu xukumay dil toogasho

Maxkamadda Rafcaanka Gobalka Banaadir ayaa go'aankan gaartey Arbacada maanta ah.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:42PM