Farmaajo oo muddeeyay shirka madaxda DF iyo maamuladda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Farmaajo ayaa muddeeyay shirka wadatashiga madaxda dowladda federaalka ah, maamuladda iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir, sidda ay warisay Villa Soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyadda ayaa lagu sheegay in Farmaajo uu mar kale madaxweyneyaasha maamulada iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir uu u dirayo casuumaad rasmi ah.

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS) Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku casuumay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir in ay kasoo qeyb galaan Shirka Golaha Amniga Qaranka ee JFS oo ka dhici doona magaalada Muqdisho," ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidda laga soo xigtay bayaanka, ajendaha shirka waxaa kamid ah; doorashooyinka, amniga, dagaalka ka dhanka ah kooxaha argixisada, dhammeystirka dib u eegista dastuurka iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

"Shirkan oo qabsoomaya inta u dhaxaysa 5-8 Luulyo, 2020 ayaa ajandihiisu yahay sidii wadatashiyo ballaaran looga yeelan lahaa doorashooyinka dalka, arrimaha amniga, dagaalka ka dhanka ah kooxaha argixisada, dhammeystirka dib u eegista dastuurka iyo horumarinta dhaqaalaha dalka," ayaa la raaciyey.

Maalmo kahor ayay ahayd markii hogaamiyeyaasha ay wadahadalo ku yeesheen khadka Internet-ka, halkaasoo ay isugu afgarteen in Farmaajo iclaamiyo goorta iyo goobta wadahadalada u bilaabanaya.

"Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) waxa ay adkaynaysaa muhiimadda shirkan, maadaama uu dhammeystir u yahay guulaha siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee ay wadajirka u xaqiijiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, waxa uuna shirku jihaynayaa geeddi socodka dimuqraadiyeed ee dalkeenna," ayaa lagu soo xiray.

Marti-qaadka uu Farmaajo u fidiyey madaxweyneyaasha maamuladda ayaa ka dhashay cadaadis kaga yimid Mareykanka oo ka dalbaday in uu ka shaqeeyo xalinta khilaafka siyaasadeed ee ka jira gudaha dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xuseen Macalin oo isku-casiley faragelinta xafiiska Xasan Sheekh, balse laga diiday

Dooda ugu weyn ee mucaaradku qabaan ayaa ah in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud si aad ah gacanta ugu hayo maamulka...

  • Soomaliya

    22-07-2025

  • 07:36AM

Xog: Villa Somalia oo Firdhiye u Wadda Madaxtinimada Khaatumo

Gudoomiyihii hore ayaa magaalada Laascaanood la tagey ergooyin ka kooban…

  • Soomaliya

    21-07-2025

  • 07:00PM