Farmaajo oo qaabiley Safiirka cusub ee Qadar [DAAWO]

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta oo sabti ah ka gudoomay warqadaha aqoonsiga safiirka cusub ee dowladda Qadar Hassan Hamza Asad Hashem.

Danjiraha ayaa dhanka kale u gudbiyay Farmaajo salaan uu uga wadey Amiirka Qadar Sheikh Hamad bin Khalifa al-Thani.

Madaxweyne Farmaajo oo munaasabadda soo dhaweynta Safiirka cusub ka hadlay ayaa uga mahadceliyay Amiirka Qadar iyo dowladdiisa sida ay uga go'an tahay xoojinta xiriirka Soomaaliya.

Hassan Hamza Asad Hashem ayaa ah Safiir aan caadi ahayn oo awood badan leh [Extraordinary Ambassador], kaasi oo heshiisyo u gali kara dowladiisa, waxaana lasoo magacaabay bishii Maarso ee sanadkan.

Waa Danjirihii ugu horeeyay oo Qadar usoo dirto Soomaaliya wixii ka dambeeyay markii uu billowday Khilaafka kala dhaxeeya dowladaha Carabta ee ay hormuudka u yihiin Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Safaaradda Qadar ee Muqdisho waxaa horey u joogay diblomaasi arrimo-fuliye ah, oo aan Safiir ahayn.

Arintan ayaa kusoo beegmaysa xilli xiriirka Imaaraadka iyo dowladda Federaalka Soomaaliya uu gaarey meel hoose, iyadoo dowladda Qadar oo dagaal kala dhaxeeya UAE ay xoojisay xiriirkeeda maamulka Farmaajo.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM