Farmaajo oo qaabiley Safiirka cusub ee Qadar [DAAWO]

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta oo sabti ah ka gudoomay warqadaha aqoonsiga safiirka cusub ee dowladda Qadar Hassan Hamza Asad Hashem.

Danjiraha ayaa dhanka kale u gudbiyay Farmaajo salaan uu uga wadey Amiirka Qadar Sheikh Hamad bin Khalifa al-Thani.

Madaxweyne Farmaajo oo munaasabadda soo dhaweynta Safiirka cusub ka hadlay ayaa uga mahadceliyay Amiirka Qadar iyo dowladdiisa sida ay uga go'an tahay xoojinta xiriirka Soomaaliya.

Hassan Hamza Asad Hashem ayaa ah Safiir aan caadi ahayn oo awood badan leh [Extraordinary Ambassador], kaasi oo heshiisyo u gali kara dowladiisa, waxaana lasoo magacaabay bishii Maarso ee sanadkan.

Waa Danjirihii ugu horeeyay oo Qadar usoo dirto Soomaaliya wixii ka dambeeyay markii uu billowday Khilaafka kala dhaxeeya dowladaha Carabta ee ay hormuudka u yihiin Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Safaaradda Qadar ee Muqdisho waxaa horey u joogay diblomaasi arrimo-fuliye ah, oo aan Safiir ahayn.

Arintan ayaa kusoo beegmaysa xilli xiriirka Imaaraadka iyo dowladda Federaalka Soomaaliya uu gaarey meel hoose, iyadoo dowladda Qadar oo dagaal kala dhaxeeya UAE ay xoojisay xiriirkeeda maamulka Farmaajo.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM

Soomaaliya oo Cambaareysay Weerarrada Iran kusii wado Dalal Khaliijka Carabta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay taageersan tahay dhammaan dadaallada nabadeed ee lagu xallinayo khilaafaadka gobolka.

  • Soomaliya

    05-03-2026

  • 08:15PM