Farmaajo oo eedeyn u jeediyey saraakiisha ciidamada DF [Dhageyso]

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in dowladda aysan bixin mushaharka ciidamada saddexdii bilood ee u dambeysay.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la hadlay saraakiisha ciidamada ayaa sababta dhalisay arrintaan ku tilmaamay "xaalado soo kordhay" oo uusan fahfaahin ka bixin.

"Marka laga reebo labadii bilood ee lasoo dhaafay si joogto ah ayaad u heli jireen mushaarkiina, tanna waxaa keentay arrimo soo kordhay," ayuu yiri Farmaajo.

Hogaamiyaha Soomaaliya hadalkaan ku sheegay khudbad uu u jeediyay saraakiisha xoogga dalka oo uu shalay ku booqday xarunta wasaarada difaaca.

"Waad heli doontaa xuquuqdiina, wayna naga go’an tahay in aad heshaa," ayuu Farmaajo kusii daray hadalkiisa.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa saraakiisha ciidamada ku eedeyey in dhinacooda balanta kasoo bixin mudadii uu xilka hayey madaama aysan Al shabaab ka xoreyn Dalka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa horey uga dhawaajiyay in askarta ay la siiyay gunadooda, kuwa aan helin ayuu ku sheegay inta aan la diiwaan-gelin.

Dooda ku saabsan cabashada mushaarka la'aanta ciidamada oo taag-neyd todobadyadii u dambeeyay ayaa keentay in askarta qaar ay kasoo baxaan aagag difaaca.

Horaantii isbuucaan, ciidamo oo soo faarujiyay furumaha Shabeellaha Dhexe ayaa gaarey degmada Balcad, halka kuwa kale oo ku sugan degmada Baraawe ay ku goodiyeen in soo baneenayaan.

Dowlada ayaa ku doodeysa in ay wado dib-u-habeyn ay ku sameynayso hanaanka ay ciidamadu u qaataan mushaarka "oo ay ka jirto" wax is-dabamarin.

Mareykanka, Turkiga, Ingiriiska, Imaaraadka iyo dowlad kale oo horey bixin jiray mushaharka ciidamada Soomaaliya ayaa u joojiyay musuq-aasuqa baahsan oo ka dhex-jira taliska.

Madaxwayne Farmaajo ayaa balanqaaday in dowladiisa ay bixin doonto xuquuqda askarta mudada kaga hartay mudada xileedkeeda oo ah labo sano oo ay bilooyin ka baxeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo Maraykanka u soo bandhigtay saldhigyo militari iyo khayraad dabiici ah

Tallaabadan ayaa muujinaysa tartan sii xoogeysanaya oo ku saabsan cidda noqon doonta lammaanaha ugu weyn ee Maraykanka ee Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 01:20PM

Madaxweynaha Soomaaliya oo Dadaal Ugu Jira Inuu Joojiyo burburka Wadahadalada Doorashada

Tallaabadan ayaa u muuqata mid si toos ah uga horimaanaysa codsi ka yimid Villa Somalia oo ku aaddan in wadahadalada la sii wado.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 11:21AM