Farmaajo oo safar degdeg ah ku tagey Eritrea [Sawirro]

Image
Image
Image

ERITREA - Madaxweyne Farmaajo ayaa maanta oo Arbaco ah ka degay magaaladda Asmara ee xarunta Eritrea maalin kadib markii uu ka qeybgalay Shir degdeg ah oo looga hadlay arrimaha Sudan iyo Libya, kaasoo lagu qabtey Masar.

Yemane Meskel oo ah Wasiirka Warfaafinta dowladda Eritrea ayaa xaqiijiyay safarka Farmaajo ee Asmara.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray in Madaxweyne Farmaajo oo ay la socdaan Wasiirka Waxbarashada C/llaahi Goodax Barre iyo mas'uuliyiin kale uu Garoonka Diyaaradaha caalamiga Asmara kusoo dhaweeyay dhigiisa dalkaasi, Isaias Afwerki.

Farmaajo iyo Isaias Afwerki ayaa wadahadallo ku leh qasriga Madaxtooyadda magaaladda Asmara, iyadoo aan wali la faahfaahin waxyaabaha ay kawada hadlayaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa July 2018 booqday Asmara, iyadoo booqashadiisa soo celisay xiriirkii Soomaaliya iyo Eritrea oo 15 sano maqnaa, waxaana tani dheerageliyay isbedelka uu wado Ra'iisual Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DFS oo sheegtay in macdan-qodis iyo baaris sharci-darro ay ka socdaan gudaha Soomaaliya

Digniintan ayaa imaanaysa iyadoo Soomaaliya uu ka jiro khilaaf ku saabsan maamulka khayraadka oo u dhaxeeya DFS iyo Maamullada.

  • Soomaliya

    17-11-2025

  • 12:38PM

Immisa qof ayaa la xaqiijiyay inay saameysay xogta la jabsaday ee E-VISA?

Warbixin qarsoodi ah ayaa shaaca ka qaaday in nidaamka lacag-bixinta ee fiisaha lagu bixiyay Online-ka ka jira musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    17-11-2025

  • 08:00AM