Farmaajo oo safiiro cusub ku qaabilay Madaxtooyada Soomaaliya

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta oo Arbaco ah waxa uu qaabilay safiiro cusub oo ay soo magacawdeen wadamada Seerbiya iyo Kuuriyada Koonfureed.

Dejireyaasha oo kala ah; Dragan Zupanjevac, oo Serbia wakiil u ah iyo Choi Yeonghan oo South Korea ah ayaa sidoo kale u gudbiyay hogaamiyaha dalka nuqul kamid ah warqaadahooda safiirnimo.

Zupanjevac iyo Yeonghan oo si yaabo kala duwan u kala kulmay Farmaajo ayaa si lamid ah wadahadalo kooban kula yeeshay madaxtooyada, kuwaasi oo la sheegay in diirada lagu saarey dhowr arrimood.

Sidda laga soo xigtay madaxtooyadda, wadaxaajooyada ayaa lagu falanqeeyay xiriirka ka dhaxeeya labada dowladood iyo sidii loosii xoojin lahaa iyo iskaashi ay ka yeeshaan danaha ay wadaagaan.

- Waa kuma Zupanjevac iyo Yeonghan? -

Labadooda waxay ay yihiin safiirada wadamadooda u qaabilsan dalka deriska la ah Soomaaliya ee Kenya, talaabo ay kala siman yihiin dhigooda.

Xilal kala duwan oo heer diblomaasiyadeed iyo mid safiirnimo ayay dalalkooda horey ugu soo qabtaan iyaga oo mihnadaan ku jiray tobanaan sano.

Zupanjevac ayaa sidoo kale ah danjiraha Serbia u qaabilsan hay’addaha Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa hoostaga ee UNEP iyo UNHABITAT.

Choi Yeonghan oo ah nin dhalinyaro ah ayaa dhamaadka sanadkii hore 2018-ka loo magacaabay jagada danjirnimo ee Kenya.

Inta badan safiirada wadamada dunida ugu magacaabaan Soomaaliya ayaa nan ku lahayn Muqdisho safaraado marka laga reebo kuwa qaar, iyada oo sababta ugu wayn ku sheegay amniga oo ah mid aanan la isku halayn karin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maraykanka oo Baaq Degdeg ah usoo Diray Madaxda Soomaaliya Xilli uu Jiro Ismari-waa Doorasho

Maraykanka iyo saaxiibada caalamka ayaa rumeysan in haddii aan la helin heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 10:43AM

Soomaaliya oo gorgortan ugu jirta iibsashada diyaarado dagaal oo casri ah oo ku kacaya $900 Milyan

Pakistan ayaa la sheegay inay Soomaaliya u soo bandhigtay diyaaradaha JF-17 oo ka jaban kuwa reer Galbeedka.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 07:49AM