Farmaajo oo saxiixay sharciga la dagaalanka musuqmaasuqa

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta oo Sabti ah waxa uu qalinka ku duugay sharciga la dagaalanka musuqmaasuqa

Hindise sharciyeedkan oo ay soo meel-mariyeen goleyaasha xeer-dejinta iyo xukuumadda ayaa xafiiska hogaamiyaha waddanka wuxuu yaalay muddo ku suntay 10-bilood.

Isaga oo ka hadlay munaasabadda saxiixa oo ka qabsoontay Madaxtooyadda, Farmaajo ayaa hoosta ka xariiqay in xeerkan uu qabanayo cid kasta oo wax is-dabamarin sameysay.

Xeerkan ayaa xeerinaya dhismaha guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka musuqmaasuqa, kuwaasi oo madaxweynuhu kusoo magacaabi doono wareegto.

Xafladda oo ay warbaahinta si furan uga qeybgashay ayaa waxaa kasoo muuqday xubno ka tirsan Agaasinka Villa Soomaaliya, mas'uuliyiin iyo marti sharaf loo xushay ka qeybgalka.

Xafladda oo ay warbaahinta si furan uga qeybgashay ayaa waxaa kasoo muuqday xubno ka tirsan Agaasinka Villa Soomaaliya, mas'uuliyiin iyo marti sharaf loo xushay ka qeybgalka.

Abukaate Xasan Xuseen Xaaji, wasiirka cadaaladda xukuumadda federaalka oo wasaaradiisu soo diyaarisay sharcigan ayaa farxad ka muujiyey in uu Farmaajo saxiixo xeerkan.

La dagaalanka musuqmaasuqa ayaa kamid ahaa balanqaayadii uu sameeyay Farmaajo in uu ku jiray olalaha, wallow aanan wali muuqan in si dhab ah xididaha loogu siibay.

Farmaajo oo madasha ka hadlay ayaa qiray "in ay adag tahay" in musuqa si degdeg ah loo ciribtiro, balse wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyey in dowladiisu wax ka qaban doonto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM