Farmaajo oo saxiixey sharciga Batroolka xilli uu khilaaf jiro

Image

MUQDISHO - Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya, Maxamad Cabdulahi Farmaajo, ayaa maanta saxiixey sharciga Batroolka xilli khilaaf ka dhextaagan yahay qaar ka tirsan maamulada iyo Villa Soomaaliya. 

Qoraal lagu daabacay Bogga Facebook ku leedahay Villa Soomaaliya ayaa lagu sheegey in Farmaajo qalinka ku duugay sharcigaan markii Labada Aqal ee Baarlamaanka ay soo dhammeystireen hannaankii sharci ee kaga aaddanaa dhaqan galkiisa.

Xildhibaanada Aqalka Sare ugu jira maamulka Puntland ayaa diidey iney ka qayb qaataan ansaxinta xeerkan, kuwaas oo shir-saxafadeed ay qabteen ka codsadey in Farmaajo uusan saxiixin sharcigaan maadaama qodobo ka horimaanaya Dastuurka ay ku jiraan.

Dhinaca kale, saxiixaan sharcigaan ayaa imaanaya xilli Puntland shalay ku dhawaaqdey in Xildhibaanda labada aqal kaga jira Barlamanada Soomaaliya, waxgaradka, siyaasiyiinta iyo bulshada dhinacayadeeda kala duwan isugu yimaadaan kulan looga arinsanayo khatarta soo wajahdey nidaamka Federaalka iyo ku tagrifalida awoodeed madaxda fadhida Villa Soomaaliya.

Hoos ka akhriso bayaanka Villa Soomaaliya

MADAXWEYNE FARMAAJO OO SAXIIXAY SHARCIGA BAATROOLKA EE JFS

Muqdisho, Febaraayo 08, 2020; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay Sharciga Baatroolka dalka, kaddib markii Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyaddu ay soo dhammeystireen hannaankii sharci ee kaga aaddanaa dhaqan galkiisa.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda uu shacabka iyo Dowladnimada Soomaaliyeed u leeyahay sharcigan oo hagaya xuquuqda muwaadiniinteennu ay u leeyihiin in looga faa’iideeyo khayraadka ceegaaga dhulkeenna, isaga oo xeyndaab u noqonaya, kana ilaalinaya takri-falka, damaca shisheeye iyo musuqmaasuqa.

Sidoo kale, meel-marinta Sharciga Baatroolka JFS waxa ay maalgashadeyaasha caalamiga ah u muujinaysaa sida ay uga go’an tahay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ka miro-dhalinta hiigsigooda ku aaddan xasilloonida dalka iyo in ay wadajir ugu tallaabaan Guga barwaaqo-sooranka iyo horumarka .

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, Golaha Xukuumadda, Xildhibaannada iyo dhammaan khubaradii Soomaaliyeed ee qaybta ka qaatay uga mahadceliyey dadaalka ay galiyeen sharcigan dhaxal reebka ah.

Sharciga Baatroolka ee uu meelmariyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku saleysan sharciyaddii Batroolka iyo macdanta dalka, dastuurka iyo Heshiiska Lahaanshaha, Maamulka iyo Wadaagga Kheyraadka Dabiiciga ee lagu saxiixay Baydhabo.

DHAMAAD

Related Articles

Duuliye diyaaradiisa ku dejiyay xeebta Muqdisho si uu u badbaadiyo rakaabka

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya rakaab ka degaya diyaaradda kuna socdaalaya xeebta.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 07:46PM

Fahfaahin: Diyaarad siday 55 qof oo ku dhacday xeebta Muqdisho

Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinayay diyaaradda oo taalla ciidda xeebta, meel ka baxsan xeyndaabka garoonka Aadan Cadde.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 12:17PM