Farmaajo oo shir guddoominaya kulan ka socda Xalane

Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia - Shir heer caalami ah, oo looga hadlayo abaaraha ka jira Somalia, ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdishu, kaasi oo uu shir-gudoominayo Madaxweyne Farmaajo. 

Kulankan oo ka socda xarunta AMISOM ee Xalane, ayaa waxaa ka qeybgalay, Guddiyada abaaraha Qaranka, Madaxda maamullada, xubno ka socda Hay'adaha gargaarka QM, Deeq-biyaal, NGO-yo, Ganacsato, Qurbooj Soomalaiyeed iyo Culumada.

"Ma jirto maanta khatar uga weyn Soomaaliya Abaarta jirto, ee galaafanayso nolosha dadka iyo duunyada, waana inaan si wadajir ah uga hortagnaa inay dalka ka dilaafco Macluul," ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Ku xigeenka Madaxa UN-ka ee Somalia iyo Isku-dubaha Arrimaha Gargaarka bini'aadanimo Peter de Clercq oo ka qeybgalyo Shirka, ayaa sheegay in loo baahan yahay ficil dhab ah oo wax loogu qabanayo Abaarta.

Peter de Clercq wuxuu sheegay in 6.2 Million (Lix Milyan iyo Labo boqol oo kun) oo ka dhigan 50% guu ahaan shacabka Soomaaliyeed ay hadda u baahan yihiin gargaar bini'aadanimo oo deg deg ah.

In ka badan 363, 000 00 caruur ay ahaa la ildaran Nafaqo-darro, sid ay sheegtay UNICEF. 

Lama oga inta uu socon doono, balse wuxuu kusoo aadayaa xilli muddooyinkii dambe dhacayeen shirar abaaraha looga hadlayo.

Qayla dhaanta ka socota Somalia ma jirto ilaa hadda cid kasoo jawaabtay.

Waxyaabaha kala ee shirka diiradda lagu saarayo ayaa waxaa kamid ah sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka ku dhibaataysan deegaanada ay maamusho Kooxda Al shabaab, ee koonfurta dalka Soomaaliya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Wajahaysa Isbeddel Amni xili uu dhamaanayo howlgalka Midowga Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo la yeeshay saraakiisha sare ee dhinaca amniga.

  • Soomaliya

    25-07-2026

  • 12:29PM

Khilaafka doorashooyinka oo sii xoogeysanaya, Puntland iyo Jubaland oo isaga baxay wada-hadallada Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararka ku saabsan bixitaanka wafdiyada Jubbaland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 12:34PM