Farmaajo oo shir u tegaya Nairobi xili DF horey u diidey kulamada Kenya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaaladda Nairobi, caasimada Kenya, kaga qayb-gelaya Shirka Dadweynaha iyo Horumarka oo ay qaban-qaabisay Qaramada Midoobey.

Shirkan oo uu hoggaaminaayo Sanduuqa UN-ka ee Horumarinta Dadka [UNFPA] ayaa lagu jaangooynayaa qorsheyaasha sanadlaha ah ee heer qaaradeed iyo heer caalami ee hiigsiyada xasilloonida iyo horumarka.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa hordhac u sii ahaa diblumaasiyiin iyo khubaro ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya kuwaas oo la sii qaabeeyey dhiggooda dalalka ka qayb-gelaya shirweynahan.

Afhayeenka Farmaajo ayaa tilmaamay muhiimadda uu dalkeenna u leeyahay shirkani "maadaama Hay’adaha Qaramada Midoobey ay kaalin mug leh ku leeyihiin dib u kabashada iyo horumarinta dalkeenna".

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay mudnaan gaar ah siinaysaa madal kasta oo looga arrinsanayo horumarka iyo iskaashiga, maadaama dalkeennu uu u baahan yahay maalgashi iyo garab istaag," ayuu yiri.

Wuxuu Cabdinuur Maxamed Axmed ku daray: "...shirkaan waxaa si gaar ah diiradda loogu saarayaa arrimaha awood-siinta haweenka iyo kaalinta dhallinyarada ee hoggaamminta iyo horumarka'.

Mr Axmed oo warbaahinta la hadlay kahor socdaalka madaxweynaha ayaa raaciyey: "...si loo gaaro Hadafyada Horumarka ee Joogtada ah kuwaas oo ahmiyad weyn u leh dalkeenna".

Wafdiga Madaxweynaha ee ku wehliya waxaa ka mid ah Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Fowsiya Abiikar Nuur iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, Nuur Diiriye Xersi [Fuursade].

Ka qeybgalka Farmaajo ee shirkaan oo maalmo socon doono ayaa kusoo aadaya xili labadda dowladood ay dhextaalo xiisad diblumaasiyadeed oo ka dhalatay dacwadda badda ee hortaala maxkamada ICJ.

Dowladda ayaa horey ugu dhawaaqday in aysan ka qeybgaleyn shirarka lagu qabanayo Kenya markii bishii Maaj ee sanadkan garoonka diyaaradaha Nairobi laga soo celiyey mas'uuliyiin.

Ma jirin meel ay xukuumadda ku caddeysay in ay kaga laabatay go'aankeena. Madaxweyne Farmaajo ayaa qudhiisa wuxuu dhowr jeer horey uga weecday adeegsiga hawada Kenya. Dalka Tanzania ayuu u wareegsaday.

MUUQAALKA FARMAAJO

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Mustaqbalka oo ku kulmay Muqdisho xilli xaraaradda doorashooyinku kordheyso

Sida ay ilo xog-ogaal ahi sheegayaan, kulankii ka dhacay Hotel Airport Golaha Mustaqbalka…

  • Soomaliya

    14-02-2026

  • 09:05PM

Turkiga oo Taangiyo Dagaal Keenay Soomaaliya

Ilo-wareedyo xog-ogaal u ah arrintan ayaa sheegaya in taangiyadan la geyn doono aagga degmada Warshiikh.

  • Soomaliya

    14-02-2026

  • 02:32PM