Farmaajo oo si gaar ah ugu yeeray Deni iyo Axmed Madoobe

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha waqtigiisu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa mar kale baraha bulshadda wuxuu madaxda Puntland iyo Jubaland u mariyey casuumaad shir.

Qoraal ay faafisay Villa Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Farmaajo uu doonayo in Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam ay kusoo biiraan wadahadalada arrimaha doorashooyinka.

"Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale ugu yeeraysaa Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubaland in ay ku soo biiraan shirka wadatashiga ah ee lagu dhammeystirayo talo soojeedintii ay isla meel dhigeen Guddigii Farsamada ee ku kulmay Baydhabo 15-16 Febraayo 2021," ayay Villadu tiri.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Dowladda Federaalka Soomaaliya iyada oo ka duuleysa baahida loo qabo in dalka doorasho loo jiheeyo waxay xal u aragtaa in dhammaan Dowlad Goboleedyada ay ka qeyb qaataan dhameystirka geeddi socodka doorashooyinka dalka, loogana gudbo marxaladdan hadda lagu jiro wada hadal, isqancin iyo in loo tanaasulo danta guud".

"Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in dalka loo jiheeyo doorasho, lagana mira dhaliyo heshiiskii 17kii Sebteembar 2020 ay Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ku gaareen magaalada Muqdisho iyo habraacyadii lagu dhammeystiray fulinta heshiiskaas," ayaa lagu soo xiray.

Dhawaqan ayaa imaanaya xilli shalay uu Farmaajo si horudhac ah ula kulmay madaxwayneyaasha maamuladda taabacsan, ra'iisul wasaare Rooble iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, Cumar Filish.

Hogaamiyeyaasha Puntland iyo Jubaland ayaan kalsooni badan ku qabin ammaanka Muqdisho maadaama Madaxtooyadda Soomaaliya ay tababaratay ciidamo daacad oo beegsada xubnaha ka aragtida duwan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM