Farmaajo oo Si Kulul U Dhaliilay Ansixinta Habraaca Wax Ka Beddelka Dastuurka Soomaaliya

Image

Doha, Qatar (GO) - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si adag u dhaliilay tallaabada uu Baarlamaanka Federaalka ku ansixiyay Qaraarka Habraaca wax ka beddelka Dastuurka, isaga oo ku tilmaamay inay tahay “nasiib darro weyn” oo ku timid midnimada dadka Soomaaliyeed. Farmaajo ayaa sheegay in tani ay muujineyso sida hoggaanka dowladda uu uga meermeersanayo inuu si wax ku ool ah uga hortago wax uu ugu yeeray “damaca ka dhan ah madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya”.

Qoraalka Farmaajo ayaa yimid kadib markii Guddoonka Baarlamaanka lagu eedeeyay inay hareer mareen xeer hoosaadka aqalka, gaar ahaan qodobka 90-aad, kaas oo dhigaya in xeer kasta oo aqrinta saddexaad soo mara loo qaybiyo xildhibaannada, iyadoo la siiyo muddo saddex maalmood ah si ay u soo aqristaan. Eedeymahan ayaa kusoo beegmaya xilli dalka uu ku jiro marxalad xasaasi ah.

Intii uu xilka hayey, Farmaajo ayaa lagu eedeeyey inuu sameeyay muddo kororsi sharci darro ah, taas oo muran badan dhalisay kuna xadgudubtay Dastuurka Federaalka KMG ah ee Soomaaliya. Tani waxay abuurtay xiisado siyaasadeed iyo khilaafyo dastuuri ah oo saameyn weyn ku yeeshay xasiloonida dalka.

Farmaajo ayaa ku booriyay madaxda dowladda iyo Baarlamaanka inay dhegaystaan baaqyada kala duwan ee ka imaanaya Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Xildhibaannada dalka, hoggaamiyeyaasha bulshada rayidka ah iyo waxgaradka, si loo helo dib u eegis dastuur oo ku dhisan heshiis bulsho, wadatashi iyo is-qancin.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa ka digay in dalku uu xamili karin “kala qoqob hor leh” iyo “ku takri-fal awoodeed” oo ay sameeyaan kooxo gaar ah, taas oo uu tilmaamay inay tahay khatar ku soo fool leh midnimada iyo xasiloonida Soomaaliya.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Beesha caalamka oo wadahadallo la yeelatay mucaaradka si loo xalliyo ismari-waaga doorashada

Ka qaybgalka Deni iyo Madoobe ayaa muujinaysa doorka muhiimka ah ee Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Federaalka ay ku leeyihiin wadatashiyadan

  • Soomaliya

    18-05-2026

  • 02:18PM

Hubanti la'aan soo wajahday natiijadda doorashaddii Koonfur Galbeed

Musharixiin uu kamid yahay Shariif Xasan ayaa sheegay in aysan aqbalayn natiijo lagu shubtay, xili Lafta-Gareen ciidankiisa duulaan ku yihiin Baydhabo.

  • Soomaliya

    18-05-2026

  • 11:33AM