Farmaajo oo ku dhaqaaqay "fal sharci darro ah"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay saxiixay todoba xubnood oo kamid noqonaya Golaha Adeega Garsoorka.

Xukuumadda xilka sii-haysa ayaa xubnahaan oo tiradoodu gaareyso todoba kana mid ah sagaalka xubin ee Golaha Adeega Garsoorka meelmarisay bishii November 16-keeda sanadkii 2020-kii.

Sidda ku xusan dukumiintiyo la dusiyey oo caddeynaya saxiixa, madaxweynihii hore ayaa qalinka ku duugay xubnahaan isaga oo tixraacaya go'aanka Golaha Wasiiradda xilka sii haya.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka tirsan Golaha Shacabka baarlamaanka muddo dhaafay ayaa talaabada Farmaajo ku qeexay mid baalmarsan dastuurka qabyada ah iyo sharucuuda dalka.

"Ka sokow in xubnahaas markii horeba aysan soo buuxin shuruudaha xubinnimada ee ku cad Qod. 109A Dastuurka iyo Qod. 6aad ee Sharciga lagu asaasay Golaha Addeegga Garsoorka, haddana waxa sidoo kale la fogeeyay taariikhda xeerkan la saxiixay iyadoo laga dhigayo in muddo hore la saxiixay, maadaaba Farmaajo hada uusan lahayn sharciyad uu xeer ku saxiixi karo oo mudo xileedkiisu dhamaaday. Hadana xeerkani wuxuu ka soo horjeedaa qodobo badan oo Dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla ah," ayuu Mahad Salaad ku daray hadalkiisa.

Farmaajo oo muddo xileedkiisa rasmiga ah uu idlaadey 8-kii bishan Febraayo, 2021 ayaa, sidda uu xeerinayo dastuurka, wuxuusan lahayn awoodo uu ku saxiixo sharciyo kuna soo saaro wareegto.

Dhismaha adeega Garsoorka oo kamid ahayd qodobadii uu Farmaajo ku balanqaadey hadal-jeedintiisa ololihii doorashada 2016-kii aya u muuqaneysa in uu rabo in uu ololaha soo aadan ku galo.

Hoos ka daalaco qoraalka saxiixa

No photo description available.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM