Farmaajo oo ka hadlay caqabadaha ay wajahayso dowladiisa

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta oo Axad ah waxa uu magaaladda caasimada ah uga qaybgalay shir ay isagu yimaadeen qaar kamida Culimada Soomaaliyeed.

Isaga oo ka hadlayay furitaanka kulankaasi ayuu kusoo bandhigay caqabadaha ay wajaheyso dowladdiisa oo laba sano jirsatay bishii Febuary ee lasoo dhaafay.

Caqabadaha ayuu hoosta ka xariiqay in ay isugu jiraan kuwa siyaasadeed, mid amni iyo faragelin dhanka caalamka uga imaaneysa.

Farmaajo ayaa weerar afka ah ku qaadey siyaasiyiinta iyo xubnaha ka aragtida duwan dowladda.

"Dhibaatooyinka na haysto waxaa kamida doqonimo siyaasadeed iyo in mucaaradka aysan garaneyn micnaha mucaarad iyo qaran dumis," ayuu xusay Farmaajo.

Isaga oo sii hadlaya ayuu si cad daaha uga rogay in ay jiraan siyaasiyiin maamulkiisa ku dacweeyay Beesha Caalamka, taasi oo si adag u dhaliilay.

Inkasta oo uusan magacaabin shaqsiyaad gaar ah, haddana waxa uu qiil uga dhigay in arrinkaasi dhacdo wadanka uu noqday "mid aanan awood lahayn oo daciif ah".

"Siyaasiyiinta qaar waxay dowlada ku dacweeyaan Beesha Caalamka … faragelinta shisheeyaha waxaa noo keentay inaga oo noqonay kuwa dafiic ah," ayuu Madaxweynaha hadalkiisa raaciyay.

Hadalkaan ayaa kusoo aadaya iyadda oo magaaladda Nairobi, ee xarunta dalka Kenya uu shir uga socdo qaar kamida madaxda maamulada iyo saaxiibada Soomaaliaya ee caalamka.

"Dal walba waxa uu eeganaa danihiisa gaarka ah … in uu saameyn dhaqaale iyo mid siyaasadeed uu kugu yeesho," ayuu daaha ka rogay madaxwaynaha.

Ugu dambeyntii, madaxwayne Farmaajo ayaa ugu baaqay Culimadda Soomaaliyeed in ay ka shaqeeyaan isu soo dhowaanshiyaha Al-Shabaab iyo dowladda.

"Caqabadaha na haysta waxaa kamida argagixisada AlShabaab … culimada door ayaan uga furnay in ay [wiilasheena ka celiyaan] iyo hadii aad isku deyi kartaan in aad isku soo dhaweysaan dowlada iyo iyaga," ayuu kusoo xiray.

Arrimahaan oo kusoo aadaya xili amniga caasimada uusan ku jirin gacanta dowladda, isla markaana mudada xileedka maamulka Farmaajo ay uga harsan tahay kaliya laba sano ayaa lagu macneeyay "is-daafic iyo olale horleh."

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka Hadlay Khasaaraha Ciidanka Uganda kasoo gaarey dagaalka Soomaaliya

Jeneraal Muhoozi ayaa dhawaan si fagaare ah u dhaleeceeyay saameynta sii kordhaysa ee dalka Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-04-2026

  • 11:54AM

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM