Farmaajo oo tacsi tiiraanyo leh ka diray geerida Xasan Abshir Faarax

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, qaraabadii iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xasan Abshir Faarax oo ku geeriyooday Turkiga.

Madaxweynaha ayaa xusay muddadii dheerayd ee Marxuumku u adeegayay dalkeenna, taas oo muujineysa hammiga iyo himilada uu u qabay Soomaaliya horumarsan, mideysan oo la jaan qaadi karta dalalka kale ee caalamka.

“Alle ha u naxariistee Marxuum Xasan Abshir waxa uu baal dahab ah kaga jiraa sooyaalka dalkeenna, isaga oo soo noqday Ra’iisul Wasaarihii Dowladdii Kumeel gaarka ahayd ee Carta, Duqii hore ee Caasimadda, Danjire soo matalay dalka iyo xilal kale oo uu ugu soo adeegay dalkeenna iyo shacabka Soomaaliyeed si hufan, waddaniyad iyo daacadnimo leh”.

Sidoo kale, Farmaajo ayaa tilmaamay doorkii Marxuum Xasan Abshir Faarax uu ka soo qaatay dadaalladii dowlad dhisidda iyo dib u heshiisiinta dalka.

“Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa aan idinla wadaagayaa tacsidan tiiraanyada leh. Marxuum Xasan Abshir oo aan ku xasuusan doonno doorkii wanaagsanaa ee uu ka qaatay dowladnimada, horumarka dalka iyo sida hufanaanta leh ee uu ugu adeegay shacabkiisa.”

Marxuumka ayuu Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan Dowladda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

Sikastaba h ahaataee, Xasan Abshir Faarax ayaa muddooyinkii u dambeeyay wuxuu ku xanuunsanayey waddanka Turkiga, halkaas oo xaaladiisa caafimaad lagula tacaalayey. Geeridiisa waxaa sidoo kale ka tacsiyeeyay siyaasiyiin badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM