Farmaajo oo Turkiga "waydiisanaya" diyaaraddo drones ah

Image
Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey ayaa hadda booqasho ku jooga Istanbul.

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha waqtigu ka dhamaadey Farmaajo ayaa hogaamiyaha Turkiga, Recep Tayib Erdogan, waydiisanaya in Soomaaliya lagu wareejiyo diyaaraddo drones ah oo xukuumada Ankara keentay Muqdisho, sida uu shaaciyey musharax madaxwayne.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo u waramay telefishinka Universal, ayaa rumeysan in socdaalka Farmaajo ee Istanbul ay qeyb ka tahay in uu Erdogan ka dalbado in Muqdisho hesho diyaaradahaas oo lix xabo ah.

"Diyaaradaha hadda waxay yaalaan garoonka diyaaradaha Muqdisho waxaana lagu tababaraa saraakiil. Balse, waxaa hadda iska leh dowladda Turkiga. Laakiin xogta aan hayno waa in Farmaajo oo shirka Turkiga iyo Afrika ka qeybgalaya uu Erdogan waydiisto in la siiyo," ayuu raaciyey Warsame.

Sida laga soo xigtay Warsame, ujeedka laga leeyahay "waa in maamulka Farmaajo u adeegsado sidii uu dalka xoog ugu qabsan lahaa iyo in uu ku boobo doorashooyinka".

Warsidaha Garowe Online ayaa si madax-banaan u xaqiijin karin sheegashooyinka Warsame. Madaxtooyadda Soomaali wali kama jawaabin eedeymaha.

Turkiga ayaa afartii sano ee lasoo dhaafay kamid ahaa saaxiibadda aadka ugu dhow ee maamulka Farmaajo. Xukuumadaha Ankara iyo Qadar oo si weyn loola xiriiryo taliskan waxay kabana miisaaniyadda dowladda.

Diyaaradaha drones-ka ee Turkiga ayaa lagu waramay in ay ka qeyb-qaateen dagaaladdii ka dhacay Itoobiya, Liibiya iyo Azerbaijan. Ankara waxay si weyn sanadihii dambe diiradda u saartey in ay taageerto dowladaha ay kasoo horjeedaan shacabkooda iyo hogaanadda diktaarooriyada hareysay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM