Farmaajo oo u ambabaxay Qadar iyo fahfaahin ku saabsan safarkiisa

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hor-kacayo ayaa u ambabaxay dalka Qadar maanta oo Talaado ah.

Wakaaladda Wararka dowladda Qadar [QNN] ayaa baahisay in Farmaajo uu maalinta berri ah kula kulmi doono Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani qasriga Madaxtooyadda Amiri Diwan ee magaaladda Doha.

Booqashada Farmaajo oo lagu tilmaamay mid shaqo ayaa waxay kawada hadli doonaan isaga iyo  Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani xiriirka Soomaaliya iyo Qadar, iyo sidii loo xoojin lahaa.

Safarka Madaxweyne Farmaajo ee Qadar ayaa ah midkii 5aad oo bishan gudaheeda dibadda ku aado, isagoo maalintii shalay kasoo laabtey Masar, halkaasi oo uga qeybgalay Shirkii Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub, oo ka dhacay Sharma El-Sheikh.

Qadar ayaa xoojisay xiriirka dowladda Federaalka la leedahay markii ay Imaaraadka Carabta oo colaad kala dhaxeysa joojiyay sanadkii tagey taageeradii dhaqaale iyo tababarka ciidamada dalka.

Xukuumadda Doha ayaa xiriir wanaagsan la leh mas'uuliyiin katirsan dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo, kuwaasoo uu kamid yahay Fahad Yaasiin, oo hadda ah ku xigeenka Taliyaha NISA.

Imaaraadka, Sacuudiga iyo Bahrain ayaa cilaaqaadka u jaray Qadar June 5, 2017 kadib markii lagu eedeeyay inay taageero siiso kooxaha argagaxisada caalamka, waxaana ay kusoo rogeen xayiraaddo dhank dhulka, badda iyo cirka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Cusub: Puntland oo Eedaysay Madaxweyne Xasan Sheekh

Wasaaraddu waxay sheegtay in guddigu uu jadwalkiisa ku daray degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

  • Soomaliya

    24-02-2026

  • 11:17AM

Dowladda Soomaaliya oo Maraykanka u soo bandhigtay saldhigyo militari iyo khayraad dabiici ah

Tallaabadan ayaa muujinaysa tartan sii xoogeysanaya oo ku saabsan cidda noqon doonta lammaanaha ugu weyn ee Maraykanka ee Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 01:20PM