Farmaajo oo u safraya Ethiopia xilli dalka ay ka maqan yihiin Khayre iyo Jawaari

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa inuu maanta oo sabti ah u ambabaxo magaalada Addis Ababa xilli dalka ay ka maqan yihiin Ra'iisul Wasaare Khayre iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Jawaari.

Farmaajo oo hogaaminaya Wafdi isagu jira Wasiirro, Xildhibaanno iyo madax kale ayaa waxuu ka qeybgali doonaa Shirka 30aad ee Midowga Africa kaasi oo maalinta berri ah ka furmaya Addis Ababa.

Shirka madaxda Ururka Midowga Africa ayaa diiradda lagu saari doonaa qodobo dhowr ah, oo ay kamid yihiin dowlad wanaagga iyo Xaalada dalalka South Sudan iyo Soomaaliya oo mudo colaado ay ka jiraan.

Safarka Madaxweynaha ayaa kusoo beegmaya xilli dalka ay ka maqan yihiin Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo hadda ku sugan Switzerland iyo Gudoomiye Jawaari oo isna booqasho ku jooga dalka Turkiga.

Madaxweyne Farmaajo oo Todobaadka soo socda u dabaal-dagi doono sanad-guuradii 1aad ee kasoo wareegatay doorashadiisa ayaa sanadkii uu joogay Xafiiska Villa Soomaaliya sameeyay ku dhawad 20 safar.

Waxa uu sidoo kale Madaxweyne Farmaajo bishan January booqasho qaadatey 16 maalmood ku bixiyay Puntland iyo Galmudug, isagoo soo dhagax dhigay mashaariic badan oo Garoomo diyaaradeed iyo Wadooyin ay kamid yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM