Farmaajo oo Masar uga qaybgalaya shir ku saabsan xaalada Suudaan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay Masar, halkaas oo uu ka furmayo shir deg-deg ah oo ay yeelanayaan Madaxda Midowga Afrika.

Shirkaasi ayaa lagaga arrinsanayaa xaaladda kacsan ee dalka Suudaan iyo sidii xal waara looga gaari lahaa qalalaasaha siyaasadeed ee ka jira wadankaasi Carbeed.

"Dowladda Soomaaliya oo xusuusan hiilkii iyo garab istaaggii Dowladda iyo shacabka Suudaan ay u galeen walaalahooda Soomaaliya, xilliyadii adkaa, ayaa mudnaanta siinaysa ka qeyb qaadashada dadaallada heer gobol iyo heer qaaradeed ee ku aaddan samata bixinta dalka Suudaan," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada.

Madaxweynaha ayaa shir doceedyo la yeelan doona Madaxda Afrika iyo masuuliyiinta dalka Suudaan ee ka qeyb galaya shirkan, isagoo la wadaagi doona mowqifka Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan garab istaagga iyo taageeridda shacabka aan walaalaha nahay ee Suudaan.

Suudaan ayaa dhexda ka gashay jahwareer siyaasadeed kadib markii la afgambiyey dowladii Cumar Al Bashiir, isla markaana ay talada wadanka la waregeen ciidanka.

Socdaalka Farmaajo ayaa imaanaya iyada oo ay guuldareysteen wadahadalo u dhaxeeyay dhinacyada ku lugta siyaasada Suudaan oo la doonayo in xiisada lagu qaboojiyo.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey digniin amni ugu dirtay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Suudan, kuwaasi oo isugu jira ganacsato, arday iyo dad kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM