Farmaajo oo Wadahadal la yeeshay Amiirka Qadar

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwaynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo] ayaa wadahadal dhinaca taleefonka ah la yeeshay Amiirka Qadar, Sheekh Tamim bin Hamad al-Thani.

Wadadahalka Farmaajo iyo Sheekh Tamim ee fiidnimadii shalay ayaa waxaa diiradda lagu saarey dib u eegis lagu sameeyo xiriirka labo geesoodka ah ee ka dhaxeeya dowladahaan iyo qaabkii loosii xoojin lahaa.

Warbaahinta Qadar ayaa baahisay in labada hogaamiye ay kawada hadleen xiriirka labada dal iyo sidoo loo xoojin lahaa, iyagoo sidoo kale isla soo qaadey arrimo ku xeeran danaha guud oo ay wadagaan.

Tan iyo markii uu soo if-baxay khilaafka wadamada Khaliijka, maamulka Farmaajo ayaa si wayn ugu dhawaaday dowlada Qadar, taasi oo timid markii Imaaraadka uu hakiyey kaalmadii uu siin jiray xukuumada Muqdisho.

Wadahadalka Farmaajo iyo Al-Thani ayaa kusoo aadaya xili dhowaan Gollaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ay dood adag ka yeesheen halka ay ku baxday 20 milyan oo kasoo hartay 50 milyan oo Sacuudiga ka timid.

Qadar oo warbixinta Guddiga Maaliyadda Aqalka Hoose lagu soo hadal-qaaday waxaa la sheegay inay dowlada siisay 20 milyan oo Dollar, xili wararku soo jeedinayaan in mas'uuliyiinta ay arrintani isla soo qaadeen.

Farmaajo ayaa haatan ku sugan wadanka Kenya, gaar ahaan Nairobi, halkaasi oo uu kaga qaybgalayo shirka dhaqaalaha Badaha, kaasi oo uu ka jeedinayo khudbad uu xooga ku saarayo doorka Soomaaliya iyo muhiimada ay leedahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Warbixinno uu Trump ka Sheegay Iran oo Sirdoonka Mareykanka Shaki Geliyey

Afhayeenka Aqalka Cad, Anna Kelly, ayaa difaacday hadalka madaxweynaha, iyadoo…

  • Soomaliya

    27-02-2026

  • 11:01PM

Muqdisho oo looga dhawaaqay shir Soomaaliya looga badbaadinayo firaaq dastuuri ah

War-murtiyeed ka soo baxay shir ay magaalada Muqdisho ku yeesheen xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

  • Soomaliya

    27-02-2026

  • 10:45PM