Farmaajo oo wajahaya cadaadis kaga imaanaya beeshiisa

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo] ayaa wuxuu wajahayaa cadaadis aad u xooggan oo kaga imaanaya beesha ama bulshadda uu kasoo jeedo, sidda uu fahansan yahay warsidaha Garowe Online.

Sidda ay caddeynayaan xogaha la helayo, beesha Farmaajo ayaa ka gadoodsan in uu fulin waayay balanqaadkiisa ahaa in ay xulista wakiilada ku metela baarlamaanka ay u madax-banaan doonan, arrintaas oo uu shirarkii u dambeeyay uu ku doodayay madaxweynaah waqtiga ka dhacay.

Farmaajo ayaa gacan-yarahiisa gaarka ah ahna shaqsiga labaad ee ugu awooda badan Hay'adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, Cabdullaahi Aadan Kulane wuxuu shalay u diray gobolka Gedo.

Mr Kulane oo wakiil ka ah Farmaajo ayaa la shiray odayaasha dhaqanka iyo madaxda degmooyinka gobolka ee dowladda federaalka ee waqtiga ka dhamaadey taabacsan. Ajendaha waxaa la aaminsan yahay in uu ahaa in ay ogolaadaan natiijada shirka guddiga farsamadda.

Shirkaas maalintii labaad ku galay caasimadda ku meelgaarka Koonfur Galbeed ee Baydhabo waxaa la filayaa in ay kasoo baxaan qodobadda ayidaya soojeedinadii shirkii Dhuusamareeb 4 ee xeerinayay in Jubaland ay maamul u magacowdo Garbahaarey doorashada baarlamaanka ka dhaceyso.

Dowladda federaalka ah ayaa haatan magacowdey guddoomiyaha Garbahaarey kaas oo Jubaland ay xustey in aysan la shaqeyn karin.

Garbahaarey waa degaan doorashadda labaad ee lagu soo xulayo mudaneyaasha Jubaland ku metalaya Labada Aqal ee baarlamaanka federaalka ah, iyadda oo Kismaayo ay tahay degaan doorashadda 1aad. Heshiiskii 17-kii September ayaana qeexayay in maamulkii uu yeesho laba goob doorasho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM