Farmaajo oo wajahaya cadaadis kaga imaanaya beeshiisa

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo] ayaa wuxuu wajahayaa cadaadis aad u xooggan oo kaga imaanaya beesha ama bulshadda uu kasoo jeedo, sidda uu fahansan yahay warsidaha Garowe Online.

Sidda ay caddeynayaan xogaha la helayo, beesha Farmaajo ayaa ka gadoodsan in uu fulin waayay balanqaadkiisa ahaa in ay xulista wakiilada ku metela baarlamaanka ay u madax-banaan doonan, arrintaas oo uu shirarkii u dambeeyay uu ku doodayay madaxweynaah waqtiga ka dhacay.

Farmaajo ayaa gacan-yarahiisa gaarka ah ahna shaqsiga labaad ee ugu awooda badan Hay'adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, Cabdullaahi Aadan Kulane wuxuu shalay u diray gobolka Gedo.

Mr Kulane oo wakiil ka ah Farmaajo ayaa la shiray odayaasha dhaqanka iyo madaxda degmooyinka gobolka ee dowladda federaalka ee waqtiga ka dhamaadey taabacsan. Ajendaha waxaa la aaminsan yahay in uu ahaa in ay ogolaadaan natiijada shirka guddiga farsamadda.

Shirkaas maalintii labaad ku galay caasimadda ku meelgaarka Koonfur Galbeed ee Baydhabo waxaa la filayaa in ay kasoo baxaan qodobadda ayidaya soojeedinadii shirkii Dhuusamareeb 4 ee xeerinayay in Jubaland ay maamul u magacowdo Garbahaarey doorashada baarlamaanka ka dhaceyso.

Dowladda federaalka ah ayaa haatan magacowdey guddoomiyaha Garbahaarey kaas oo Jubaland ay xustey in aysan la shaqeyn karin.

Garbahaarey waa degaan doorashadda labaad ee lagu soo xulayo mudaneyaasha Jubaland ku metalaya Labada Aqal ee baarlamaanka federaalka ah, iyadda oo Kismaayo ay tahay degaan doorashadda 1aad. Heshiiskii 17-kii September ayaana qeexayay in maamulkii uu yeesho laba goob doorasho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM