Farmaajo oo wali ka aamusan askarta ku maqan Eritrea

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wali ka aamusan kiiska askarta maamulkiisa sidda qarsoodiga ah tababarka ugu diray dalka Eritrea.

Munaasabadii ugu dambeysay oo ahyad farxad uu Ciidda Carafo la qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan kuwa ilaaliya Madaxtooyadda Qaranka ayuu gabi ahaanba kusoo hadal-qaadin.

Sida ay xaqiijiyeen dhowr illo wareedyo kala duwan, askarta loo diray Eritrea ayaa tiradooda u dhaxeysaa 5-kun illaa 6-kun. Qaarkood waxay sheegeen in tababarka goor hore u dhamaadey ayna wajahayaan "adoonsi".

Waalidiinta dhalinyaradaas ayaa dhowr jeer ku banaanbaxay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho oo ay ku jirto agagaarka Villa Soomaaliya, waxaana ay madaxda dalka ka codsadeen soo celinta wiilashooda.

Qaramada Midoobay iyo Mareykanka ayaa xaqiijiyey in askar Soomaali ah ka dagaalameen gobolka colaaduhu la dageen ee Tigray, halkaasoo xukuumadda Abiy Axmed lagu eedeeyay in ay ka geysatay "dambiyo dagaal".

Qabyaalada iyo waddaniyadda?

Intii uu la hadlayey askarta uu kula qadeeyay Villa Soomaaliya, Farmaajo ayaa ayaa "ku dhiirri-geliyey sida nafhurnimada leh ee ay ugu taagan yihiin difaaca dalkooda iyo ilaalinta karaamada dadkooda".

Geesiyaasha Ciidamada Qalabka Sida ee u istaagay xoreynta dalka iyo ciribtirka arxanlaaweyaasha argagixisada ah ee Alshabaab ayuu tibaaxay "in ay taariikhdu xusi doonto, maadaama ay u soo dhabar adaygeen duruufo adag si ay u samatabixiyaan dalkooda".

"Waxaad tihiin Ciidan Qaran oo u taagan difaaca dalka, dib u soo noolaynta dawladnimada iyo ilaalinta karaamada dadka Soomaaliyeed, waxaan idiinku hambalyeynayaa munaasabadda Ciidda Carafo iyo waajibka qaran ee aad gudaneysaan. Farxad gaar ah ayay ii tahay in aan munaasabadaha noocan oo kale ah idin la qaato madaama aad tihiin geesiyaasha aan ku faanno," ayuu yir.

Gawlgallada socda ee ka dhanka ah argagixisada caadeystay gumaadka shacabka Soomaaliyeed, ayuu bogaadiyey "iyada oo geesiyaasha Xoogga Dalku ay guulo waaweyn ka soo hoynayaan howgallada ay ka wadaan deegaannada ay ku dhuumaalaysanayaan argagixisadu".

Afartii sano ee maamulkiisa dalka xukumayey ayuu hoosta ka xariiqay in ay xoojiso la dirirka qabyaaladda iyo xoojinta waddaniyadda. Hase ahaatee, sheegashadaas oo u muuqata mid qeyb ka ah ololihiisa waxaa buriyey mucaaradka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ubax dhigay taalada SYL ee Muqdisho

Talaabadan ayaa waxa ay qeyb ka tahay xuska 81-sano guurada kasoo wareegatay aas-aaska SYL.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:45PM

Sayid Macalin Daa'uud oo mar kale lagu xukumay dil toogasho

Maxkamadda Rafcaanka Gobalka Banaadir ayaa go'aankan gaartey Arbacada maanta ah.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:42PM