Farmaajo oo Wiil 17 jir ah ku casuumey Villa Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi [Farmaajo] ayaa marti-qaadi u u fidiyay Axmed Burhan Maxamed, oo ah Soomaali-Mareykan ku guuleysta tartanka Qur'aan akhriska Ramadan-kii ka dhacay dalka Imaaraadka.

Axmed Burhan, oo 17 jir ah ayaa lagu wadaa in isago iyo aabihii ay Muqdisho yimaado todobaadka soo aadan, si uu ula kulmo Madaxweyne Farmaajo, oo doonaya inuu hambalyo ku aadan guushiisa tartanka dhankiisa u gudoonsiiyo.

Axmed oo Soomaali-American ah ayaa u tartamay dalka Mareykanka, isagoo kusoo baxay tartanka caalamiga ah, oo ay kasoo qeybgaleen in ka badan 100 dal, wuxuuna abaalmarin ahaan u helay 68,000 kun oo Dollar-ka Mareykanka.

Axmed Burhan, oo deegaan ahaan Mareykanka uga nool gobolka Minnesota, ayaa guushiisa noqotay mid si aad ah loogu wada farxay, maadaama uu yahay wiil asal ahaan Soomaali ah.

Gobolka Minnesota, ayaa ah halka ugu badan ee ay Soomaalida ku nool yihiin, kuwaasoo qaab qaxooti ahaan ku galay dalkaasi, kadib markii ay burburtay dowladii dhexe ee Soomaaliya 1991-dii, oo dalkuna dagaal sokeeye ka billowday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM