Farmaajo oo xariga ka jaray dhismaha safaaradda cusub ee Mareykanka

Image
Image
Image
Image
Image

WASHINGTON, US - Madaxweyne Farmaajo oo ay weheliyaan Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Maaliyadda iyo diblumaasiyiin ayaa xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Safaaradda Soomaaliya ka iibsatay ee Washington.

Dhismaha cusub oo ka kooban saddex dabaq ayaa wuxuu ku yaalaa aaga ay safaaraduhu ku badan yihiin ee magaala madaxda dalweynaha Mareykanka ee Ameerika.

"Hirgelinta safaaradda waxay muujineysaa mudnaanta ay dowladdu siineyso soo celnta maaqaamka dalkeennu uu ka lahaa caalamka," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda.

Farmaajo ayaa ku boorriyay jaaliyadda Soomaaliyeed in ay wada shaqeyn dhaw la yeeshaan diblomaasiyiinta safaaradda, isagoo tilmaamay in dhismahan uu yahay hanti ay leeyihiin shacabka iyo Dowladda.

"Madaxweynaha muujiyey in dowladdu dedaal ku bixineyso dayactirka safaarado kale oo Soomaaliya ay ku leedahay dalal kale," ayaa la raaciyey nuqul kamid ah war-saxaafadeedka.

Sidda uu fahansan yahay warsidaha Garowe Online oo soo xiganaya illo lagu kalsoon yahay, dalalka kale ee safaaadaha loo iibinayo ayaa kala ah; Koonfur Afrika iyo waddanka deriska ah ee Kenya.

Diblomaasiyiinta Soomaaliya ee Washington  ayuu ku tartarsiiyey in ay si siman ugu adeegaan, si dhowna uga warqabaan muwaadiniinta, "muhiimna ay tahay in ay ilaaliyaan midnimadooda iyo wadajirkooda".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM