Farmaajo oo xariga ka jaray dhismaha safaaradda cusub ee Mareykanka

Image
Image
Image
Image
Image

WASHINGTON, US - Madaxweyne Farmaajo oo ay weheliyaan Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Maaliyadda iyo diblumaasiyiin ayaa xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Safaaradda Soomaaliya ka iibsatay ee Washington.

Dhismaha cusub oo ka kooban saddex dabaq ayaa wuxuu ku yaalaa aaga ay safaaraduhu ku badan yihiin ee magaala madaxda dalweynaha Mareykanka ee Ameerika.

"Hirgelinta safaaradda waxay muujineysaa mudnaanta ay dowladdu siineyso soo celnta maaqaamka dalkeennu uu ka lahaa caalamka," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda.

Farmaajo ayaa ku boorriyay jaaliyadda Soomaaliyeed in ay wada shaqeyn dhaw la yeeshaan diblomaasiyiinta safaaradda, isagoo tilmaamay in dhismahan uu yahay hanti ay leeyihiin shacabka iyo Dowladda.

"Madaxweynaha muujiyey in dowladdu dedaal ku bixineyso dayactirka safaarado kale oo Soomaaliya ay ku leedahay dalal kale," ayaa la raaciyey nuqul kamid ah war-saxaafadeedka.

Sidda uu fahansan yahay warsidaha Garowe Online oo soo xiganaya illo lagu kalsoon yahay, dalalka kale ee safaaadaha loo iibinayo ayaa kala ah; Koonfur Afrika iyo waddanka deriska ah ee Kenya.

Diblomaasiyiinta Soomaaliya ee Washington  ayuu ku tartarsiiyey in ay si siman ugu adeegaan, si dhowna uga warqabaan muwaadiniinta, "muhiimna ay tahay in ay ilaaliyaan midnimadooda iyo wadajirkooda".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM