Farmaajo oo xil cusub u magacaabay Fahad Yaasiin

Image
Tani ayaa timid xilli isku-khilaafeen ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble qaabka loo maareynayo kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha waqtiga ka dhacay Farmaajo ayaa magacaabay mas'uuliyiin cusub xilli ay isku-maan-dhaafeen ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble qaabka loo maareynayo kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Fahad Yaasiin Daahir ayuu u magacaabay La-taliyaha Amniga Qaranka "kadib markii uu aqbalay istiqaalada iscasilaada uu kasoo gudbiyay jagada Agaasimahaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (HNSQ)".

Magacaabidan oo timid iyadda oo waan-waan laga dhex-bilaabay labadda masuul ayaa burinaysa agaasimaha ku meelgaarka ah ee Rooble uu u magacaabay NISA kaasoo ah Bashiir Goobe.

Dhanka kale, Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud, oo haatan ah Taliyaha Nabad Sugidda ee Gobolka Banaadir, in uu si kumeel gaar ah u hoggaamiyo Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka inta laga soo magacaabayo taliye cusub oo ku yimaada hab waafaqsan sharciga iyo Dastuurka KMG ee dalka.

Cabdisaciid Muuse Cali oo ahaa lataliyaha amniga qaranka ayuu u xushay inuu noqdo Agaasimahga Guud ee Madaxtooyada Qaranka, "waxa uuna ku ammaanay shaqada hufan ee uu kasoo qabtay taabbo-gelinta siyaasadda Amniga Qaranka".

"Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu isugu yeerayaa kulan ay yeelanayaan Guddiga Amniga Qaranka 18ka Sebteembar 2021, si Guddiga looga horjeediyo warbixinta laga dalbaday Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka," ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Madaxtooyadda Qaranka.

Isbedelkan ayaa kusoo beegmaya xilli jirto xiisadda ka dhalatay kiiska Ikraan oo NISA ay sheegtay in ay dishay kooxda Al-Shabaab hase ahaatee qoyskeeda wali tuhunsan yihiin in ay hay'addu dishay maleyshiyadana iska fogeysay.

Rooble iyo Farmaajo ayaa ku kala aragti-duwan qaabka loo maareynayo qadiyaddan. Xilka cusub ee loo dhiibay Fahad oo ah gacanta midig ee madaxweynaha waqtigu ka dhacay waxay u muuqataa in looga hortago in dacwad lagu soo oogo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM