Farmaajo oo xilalkii ka qaadey mas'uuliyiin katirsan Maxkamadda sare

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxwaynaha Soomaaliya, Maxamed Maxamed Cabdullaahi [Farmaajo] ayaa lagu shaaciyay xil ka qaadi iyo magacaabis lagu sameeyay Garsooreyaasha Maxkmadda Sare ee dalka.

Sidoo kale, waxaa xilka looga qaaday Garsoorayaashii horey ujoogay Maxkamadda sarre dalka, waxaana lagu sheegay in magacaabista ay timid keddib soo jeedin ka timid Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed

Garyaqaannada xilalka loo magacaabay:

Garyaqaan Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblaawe.

Garyaqaan Maxamed Cumar Axmed.

Garyaqaan Cabdalle Macalin Maxamed.

Garyaqaan Xaydar Barqash Abukor.

Garyaqaan Axmed Cali Muuse.

Garsooriye-yaasha xilalka laga qaadey:

Sheekh Abuukor Cismaan Macalin Daahir.

Maxamed Maxamuud Maxamed.

Maxamuud Axmed Faarax.

Sheekh Cumar Aadan Maxamed.

Cabdinaasir Seeraar Axmed.

Axmed Maxamed Sheekh Ibraahim

“Madaxwaynaha wuxuu farayaa in Garsoorayaasha cusub ay dhawraan sarreynta sharciga dalka iyo in ay si siman ugu adeegaan shacabka,” ayaa lagu yiri Wareegtada.

Talaabadaan ayaa kusoo beegmaysa xili ay isa soo tarayeen mudooyinkii dambe cabashooyinka ka imaanaya shacabak oo ku aadan cadaalo darro baahsan oo ka jirta maxkamadaha dalka, gaar ahaan kuwa Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM