Farmaajo: Qaraxyada Muqdisho wax loogama qaban karo 2 sano [Daawo]

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qiray in dowladdiisa aysan mudada labada sano ee u hartay aysan waxba ka qaban karin qaraxyada ka dhacaya Muqdisho.

Isagoo ka hadlayay Qaraxyadii Makka Al-Mukarrama, Farmaajo ayaa shaaciyay in waxa ka socda caasimadda ay tahay musiibo soo socotay 11-kii sano ee lasoo dhaafay, oo awoodda dowladda gaarsiisnayn inay wax ka qabato.

"Xaqiiqatan waa musiibo waxa dhacaya...Musiibadana waxay soo socotay mudo 11 sano ah," ayuu yiri Madaxweynaha, isagoo intaasi ku daray in ujeedada Al-Shabaab ee qaraxyadu ay tahay inay muujiyeen joogitaankeeda iyo awoodeeda.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay kullan uu xalay la qaatay hawl wadeennada caafimaadka, hay’adaha Amniga iyo kuwa gurmadka degdega ah, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Mas'uuliyiin kale oo ay ku jiraan Wasiirro.

Tan iyo markii uu talada dalka la wareegay Febuary, 2017, Madaxweyne Farmaajo ayaa dhowr jeed ku dhawaaqay Guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, balse illaa hadda ma jirto duulaan ay ciidamada qaadeen.

HALKAN KA DAAWO KHUDBADDA FARMAAJO:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Qaabilay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya

Sidoo kale, Dowladda Ingiriiska ayaa Dowladda Puntland ku wareejisay deeq isugu jirta daawooyin iyo agab caafimaad.

  • Soomaliya

    10-07-2025

  • 02:57PM

Hormuud Salaam Foundation oo la guddoonsiiyay Abaalmarinta Hoggaaminta Saamaynta leh ee Bulshada Afrika

Abaalmarintani waxay marqaati u tahay go’aankeenna adag ee ah dhismaha mustaqbal ifaya oo bulshada Soomaaliyeed u horseeda fursado.

  • Soomaliya

    10-07-2025

  • 09:38AM