Farmaajo: Qof walba wuxuu ku laaban doonaa tuuladiisa

Image
Madaxwaynihii 9aad ee Soomaaliya ayaa Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay "inuu qorayo dastuur cusub".

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwaynihii 9aad ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si adag waxa uu uga hor-yimid wax ka badalka dastuurka ee ay waddo dowladda haatan xilka haysa.

Hogaamiyaha waqti-xaadirkan haya jagada ugu sareysa dalka Xasan Sheekh Maxamuud ayuu si gaar ah ugu eedeeyay inuu qorayo dastuur cusub, iyadda oo aysan u dhameyn saamileyda siyaasadda.

Talaabadan ayuu hoosta ka xariiqay in ay keeni karto kala qeyb-sanaan baahsan xilli dalka uu u baahan yahay midnimo iyo wadajir uu ku wajaho la dagaalanka kooxaha argagixisadda ah.

"Dastuurka in la dhameystiro cid diidan ma jirto laakiin dastuur cusub looma baahna. Marka waxaa ku talinayaa in arrinka Dastuurka ay dadka isku keento balse looma baahna in ay kala geyso," ayuu ka shanqariyay.

Farmaajo oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in haddii si aan heshiis lagu ahayn lagu meelmariyo dastuurka cusub waxa uu ku goodiyay "in qof walba ku laaban doono tuuladiisa".

“Dalka weli wuxuu ku jiraa Chapter 7, haddii aan annaga is qaban weyno, waxaa qasab ah in beesha caalamka garba-duub noo qabato waa haddii dan nagala leeyahay, haddii aan dan nagala laheyn oo nala sii daayo, dee qof walba tuuladiisa iyo xoolihiisa ayuu iska raacanayaa, Qaranimadana uu halkaas ayay nooga burbureysaa," ayuu ka dhawaajiyay.

Hadalka Farmaajo ayaa waxa uu kusoo beegmayaa iyadda oo baarlamaanka federaalka Soomaaliya uu sii waddo ka dooditaanka qodobada wax ka badalka dastuurka ku meelgaarka ah ee Soomaaliya.

Labada Aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa waxa ay Arbacada maanta ah ka doodeen cutubta 4aad ee dastuurka kaas oo ay ku jiraan qodobo ay kamid yihiin metelaadda iyo in dalka u guurayo nidaamka madaxtooyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho ku tagey Wasaaradda Difaaca Soomaaliya

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugnaa Wasaaradda waxa uu kulan la qaatay Wasiirrada Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-05-2025

  • 06:02PM

Trump oo Koonfur Afrika ku eedeeyay tacaddiyo isagoo kor u haya sawir laga qaaday Congo

Trump oo hadal jeedinayay inta lagu guda jiray kulanka, wuxuu kor u qaaday warqado daabacan…

  • Soomaliya

    22-05-2025

  • 04:18AM