Farmajo iyo Johnson oo xaaladda Somalia kawada hadlay

Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta kulan kula yeeshay Villa Somalia Xoghayaha Arrimaha Dibadda dowaladda Ingiriiska Boris Johnson.

Kulankan oo saxaafaddu bannaanka ka joogtay,  ayaa waxaa looga hadlay arrimaha Gurmadka Abaaraha, Xiriirka Labada dal iyo la dagaalanka Al Shabaab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay Boris Johnson Booqashadii uu ku yimid magaalada Muqdishu, taasi oo uu sheegay inay xoojinayso xiriirka u dhaxeeyo dowladaha Somalia iyo Ingiriiska.

"Waa maalin Taariikhi ah inaad nasoo booqato, waana ku faraxsanahay imaanshahaaga Muqdishu, waxaan ku rajo weynahay in aan xoojinyo xiriirka Somalia iyo Ingiriiska, iskana kaashano dagaalka Al shabaab iyo wax u qabashada dadka ay saamaysay abaarta," Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Dhanka kale, Boris Johnson ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu Muqdishu soo booqdo, isago intaasi ku daray in dowladda UK ay garab taagan tahay dowlada Somalia iyo shacabkeeda oo hadda wajahay caqabado ay kamid yihiin Abaarta iyo amni darro.

Johnson ayaa tilmaamay in Booqashadiisa Somalia ay ahayd mid uu midnimo ugu muujinayo shacabka Soomaaliyeed ee ku dhufatay abaarta, isagoo balan-qaadey lacag gaarayso £10 Million oo pound.

Boris Johnson ayaa intaas ku daray in dowladda UK ay qabanayso Bisha soo aadan ee May Kulan caalami ah, oo ay deeq loogu aruurinayo dalka Somalia, iyadoo ay kasoo qeybgali doonaan madaxda dalalka deeqaha bixiya.

Bishii lasoo dhaafay dowladda Ingiriiska ayaa ugu deeqday Somalia £100 million, si loogu caawiyo shacabka ay saamaysay abaarta, taasoo raashin iyo daawo loogu iibin doono.

Dowladda Ingiriiska ayaa Saafaarad ku leh Muqdishu, waxaana ka joogo Somalia 70 Askari, oo Tababar siiya ciidamada Somalia, sidoo kalena ka taageera AMISOM Sirdoonka iyo dagaalka ka dhanka ah Ururka Al Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Wajahaysa Isbeddel Amni xili uu dhamaanayo howlgalka Midowga Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo la yeeshay saraakiisha sare ee dhinaca amniga.

  • Soomaliya

    25-07-2026

  • 12:29PM

Khilaafka doorashooyinka oo sii xoogeysanaya, Puntland iyo Jubaland oo isaga baxay wada-hadallada Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararka ku saabsan bixitaanka wafdiyada Jubbaland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 12:34PM