Farmaajo oo isagoo ku sugan Muqdisho ka baaqday xuska maalinta Booliska

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka baaqday isagoo ku sugan Muqdisho xuska sanad-guurad 74aad oo maanta ka dhacay Caasimadda iyo gobollada dalka.

Xafiiska Madaxweynaha kama uusan hadlin sababaha uu Farmaajo uga qeybgali waayay dabaal-degga maalinta 20-ka December, oo Booliska Soomaaliyeed ay xusayaan aas-aaskooda oo kasoo wareegatay 74 sano.

Baaqashada Farmaajo ayaa kusoo beegmaysa kadib markii Lix maalmood kahor qarax ismiidaamin ah uu ka dhacay gudaha xarunta Tababarka Booliska ee Jeneraal Kaahiye kaasi oo lagu dilay 18 kamid ah Booliska.

Nin isku soo xiray walxaha qarxa, islamarkaana ku lebisan dareeska ciidamada Booliska ayaa gudaha u galay xarunta kadibna isku dhex-qarxiyay ciidamo ku jira gaadi-ka-ciyaar ay ugu diyaargaroobayeen xuska 20-ka December.

Madaxweynaha ayaa soo saarey war saxaafadeed uu ugu hambalyeynayo ciidamada Booliska sanad-guuradooda 74aad, isagoo ku aamany waxqabadkooda iyo dhabar-adaygii usoo sameeyeen inay shacabka helaan xasilooni.

Ra'iisul wasaare Khayre ayaa ka qeybagalay munaasabada lagu qabtay Xerada Jeneraal Kaahiye, iyadoo ay la socdeen wasiiro dhowr ah, oo midka amniga Maxamed Abuukar Islow uu kamid yahay.

Waa munaasabadii ugu horeysay oo Booliska qabsado iyadoo uu dalka Madaxaweyne ka yahay Farmaajo oo la doortay 8-dii bishii Febuary ee sanadkan 2017-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM