Farmaajo oo isagoo ku sugan Muqdisho ka baaqday xuska maalinta Booliska

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka baaqday isagoo ku sugan Muqdisho xuska sanad-guurad 74aad oo maanta ka dhacay Caasimadda iyo gobollada dalka.

Xafiiska Madaxweynaha kama uusan hadlin sababaha uu Farmaajo uga qeybgali waayay dabaal-degga maalinta 20-ka December, oo Booliska Soomaaliyeed ay xusayaan aas-aaskooda oo kasoo wareegatay 74 sano.

Baaqashada Farmaajo ayaa kusoo beegmaysa kadib markii Lix maalmood kahor qarax ismiidaamin ah uu ka dhacay gudaha xarunta Tababarka Booliska ee Jeneraal Kaahiye kaasi oo lagu dilay 18 kamid ah Booliska.

Nin isku soo xiray walxaha qarxa, islamarkaana ku lebisan dareeska ciidamada Booliska ayaa gudaha u galay xarunta kadibna isku dhex-qarxiyay ciidamo ku jira gaadi-ka-ciyaar ay ugu diyaargaroobayeen xuska 20-ka December.

Madaxweynaha ayaa soo saarey war saxaafadeed uu ugu hambalyeynayo ciidamada Booliska sanad-guuradooda 74aad, isagoo ku aamany waxqabadkooda iyo dhabar-adaygii usoo sameeyeen inay shacabka helaan xasilooni.

Ra'iisul wasaare Khayre ayaa ka qeybagalay munaasabada lagu qabtay Xerada Jeneraal Kaahiye, iyadoo ay la socdeen wasiiro dhowr ah, oo midka amniga Maxamed Abuukar Islow uu kamid yahay.

Waa munaasabadii ugu horeysay oo Booliska qabsado iyadoo uu dalka Madaxaweyne ka yahay Farmaajo oo la doortay 8-dii bishii Febuary ee sanadkan 2017-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM