Farmajo oo Telefoon u diray Amiirka Qadar [Sababta]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khadka Taleefonka wadahadal kula yeeshay Amiirka Qadar, Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani maalintii shalay.

Wakaaladda Wararka dowladda Qadar [Qatar News Agency] aya lagu baahiyay in labada mas'uul ay kawada hadleen arrimo dhowr ah, oo ku saabsan sidii loo xoojin lahaa xiriirka Soomaaliya iyo Qadar.

Farmaajo ayaa taleefonka u diray Amiir Qadar Sheikh Tamim bin Hamad, iyadoo aan wali Villa Somalia shaacin sababta uu Madaxweynaha uu xiriirkan u sameeyay iyo waxyaabaha gaarka ah ee laga hadlay.

Laakin, waxaa xusida mudan in cilaaqaadka Qadar iyo dowladda Federaalka uu soo xoogeysanayay tan iyo markii xiriika Villa Somalia iyo Imaaraadka uu xumaaday dhawaan, taasoo Doha ka faa'ideysatay.

Farmaajo ayaa labo jeer booqasho ku tagey dalka Qadar tan iyo markii la doortay February 2017, iyadoo safarkiisii ugu dambeeyay uu ahaa May 2018 tasoo kusoo beegmay xilli xiisad Khaliijka cirka mareyso.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu dhaliilay in aysan kasoo bixin go'aadkeedii dhex dhexaadnimada khilaafka u dhaxeeyay dalalka Khaliijka carabta, marka la eego sida Madaxtooyada ay aad ugu dhow dahay Qadar oo kaalinta muuqata ku leh siyaasadda Soomaaliya.

Sidoo kale, Agaasimaha Madaxyooyada Fahad Yaasiin oo xilligan lagu tilmaamo inuu kamid yahay shaqsiyaadka saameynta ku dhex leh dowladda ayaa xiriir dhow la leh dowladda Qadar.

Sacuudiga, Imaaraadka Bahrain iyo Masar ayaa hal mar xiriirka u jaray Qadar June 5, 2017, waxaana ay kusoo rogeen xayiraado dhanka cirka, dhulka iyo badda, iyagoo ku eedeeyay Doha inay argagaxisad taageerto.

Balse, dowaldda Qadar ayaa beenisay eedeymaha loosoo jeediyay ee ah inay dhaqaale siiso kooxaha argagaxisda caalamka, gaar ahaan kuwa gobolka Bariga dhexe, oo dalalka ku yaalla ay la degeen dagaallo mudo dheer socda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka iyo dowladda oo Muqdisho ku yeelanaya kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka

Dhinaca Golaha Mustaqbalka waxaa kulanka uga qeybgalaya xubno farsamo oo ay ku jiraan wakiillo ka socda Puntland iyo Jubbaland.

  • Soomaliya

    09-07-2026

  • 08:42AM

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM