​Farole oo Muqdishu kula kulmay Danjiraha Britain ee Somalia

Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Murashaxa Madaxweynaha Somalia ahna Xildhibaan katirsan aqalka Sare ee dalka Cabdiraxmaan Farole, ayaa maanta magaalada Muqdishu kula kulmay danjiraha Britain ee Somalia Neil Wigan.

Kulanka oo ka dhacay xarunta safiirku kuleeyahay caasumadda Somalia, ayaa looga hadlay arrimaha doorashada waddanka ka dhacaysa iyo sidii ay ugu qabsoomi lahayd xornimo xalaali ku jirto.

Farole iyo Wigan, ayaa aad u falanqeeyay sida Somalia ugu baahantahay inuu ka dhaco isbadal siyaasadeed islamarkaana doorashadan noqoto mid ay ku qanci karaan beesha caalamka iyo shacabka Somaliyeed.

Labada mas'uul ayaa sidoo kale isla soo qaaday qaabka looga gudbi karo marxaladda kala guurka ah, iyadoo madashaasi lagu lafo guray caqabadaha imaan kara inta doorashadu socoto.

Shirkan ayaa kusoo beegmay xilli beesha caalamku soo dhaweysay guusha laga gaaray qabsoomidda doorashada Guddoonka labada aqal ee Barlamanka Somalia, waxayna hambalyo u direen xubnaha la doortay, iyagoo ugu baaqay inay sameeyaan guddi isku dhaf ah oo dhammaystira doorashada Madaxweynaha taasoo la filayo inay go'aan ka gaaraan guddigaas.

Wuxuu sidoo kale kulankaas kusoo aaday xilli todobaadkan uu magaalada Muqdishu tagay Cabdiraxmaan Farole oo kamid ah ragga u taagan xilka Madaxweynaha Somalia, kaasoo shalay ka qayb galay doorashada Aqalka Sare maadama uu katirsanyahay Xildhibaanada golaha Senet-ka.

Diyaar-garowga doorashada Madaxweynaha ayaa ka socota magaalada Muqdishu iyadoo ay dhacayaan kulamo kala gedisan oo murashaxiinta la yeelanayaan Guddoonka, Xildhibaanada iyo mas'uuliyiinta beesha caalamka ee Xamar ku sugan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM