Fartaag oo difaacdey kursigiisa Aqalka Sare ee Jubaland

Image

KISMAAYO, Jubaland - Musharrax Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa lagu dhawaaqay in uu cod gacan taag ah ku noqday Sanatarka labaad ee kasoo baxay dowlad goboleedka Jubbaland.

Sidda uu shaaca ka dhigay guddiga doorashadda, 71 Xildhibaan ayaa u codeeyey, diideen 2 xuldhibaan ayaa diiday in ay u codeeyaan mana jiro xildhibaan ka aamusay codaynta kursigan.

Kahor coddeynta gacan-qaadka, Axmed Maxamed Jaamac oo ah musharrixii la tartamay Senetar Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa shaaca ka dhigay inuu ka tanasulay tartanka.

Doorashadan ayaa kamid ah coddeynta afar kursi oo kamid ah sideeda xubin ee Jubaland ku leedahay Senate-ka Soomaaliya taasoo maanta ay martigelineyso caasimada KMG ah ee Kismaayo.

Ilyaas Badal Gaboose ayaa noqdey Senatorkii ugu horeeyay baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya kadib markii uu helay 55 cod doorashaddii ka dhacdey xarunta KMG Jubaland ee Kismaayo, isaga oo ka adkaadey Maxamed Axmed Maxamuud Sayid oo helay 17 cod.

Fartaag oo afartii sano ee lasoo dhaafay Jubaland ku metelay Aqalka Sare ayaa hadaljeedintiisa wuxuu ku sheegay in uu diiradda saari doono siyaasad gaashaan u noqoneysa dowlad goboleedkan.

"Meeshii lala dagaalamayey afartii sano ee lasoo dhaafay [Jubaland] in ay maanta noqoto [goobtii] ugu horeysay ee doorashadda Soomaaliya ay ka bilaabatay intaas ayaaba taariikh noo ah," ayuu yiri.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM