Fatahaadda Beledweyne oo saameysay Waxbarashada [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Fatahaadda uu wabiga Shabeelle ku sameeyay qeybo kamid ah dalka ayaa saameyn xooggan ku yeeshay ku dhawaad Hal Milyan oo qof, kuwaasi oo hadda xaalad adag oo dhanka nolosha soo wajahday.

Magaalada Beledweyne oo ah meesha ugu daran ee fatahaadda ay ku dhufatay ayaa waxaa ku guryo waayey boqolaal kun oo qof, iyadoo biyaha wabiga ay burburiyeen dhismooyin ay Iskuullo kamid yihiin.

Saraakiisha maamulka magaalada ayaa waxay sheegeen in 10 Iskuul oo ku yaalla Beledweyne hadda ay xirmeen, iyadoo taasi ay keentay dib u dhac ku yimaada Imtixaanka sanad laha ee ardayda.

Axmed Dhaqane oo ah Gudoomiyaha Iskuuladda gaarka loo leeyahay ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online in arday gaaraysa 10,000 [Toban Kun] ay seegeen Imtixaankii Final-ka oo lagu waday inay galaan Todobaadkan.

Dhaqane ayaa sababta ku sheegay in dhismooyinka ay degan yihiin Iskuuladda ay biyo fariisteen, halka qaarna ay burbureen, taaso keentay inay sii wadi waayaan adeegii waxbarashada kadibna ay fasaxeen Ardayda.

Madaxweyne Farmaajo dhawaan booqday Beledweyne, isagoo hogaaminayo gudiga uu Ra'iisul Wasaaraha Khayre u magacaabay wax ka qabashada fatahaadaha dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo ka digay cawaaqibka ka dhalan kara tallaabo militari oo lagu qaado mucaaradka

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale diiddan in doorashooyinka dalka loo wajaho hannaan aysan dhammaan dhinacyada siyaasadeed isku raacsanayn.

  • Soomaliya

    11-10-2026

  • 08:32PM

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM