Faysal Waraabe iyo Axmed Madoobe oo ku kulmay magaaladda Nairobi

Image
Image

NAIROBI, Kenya – Madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe, iyo hogaamiyaha xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka ee UCID, Faysal Cali Waraabe, ayaa ku kulmay Nairobi, caasimadda dalka Nairobi.

Ma cadda qodobadda lagu faaqiday shirka labadda mas'uul. Si lamid ah, waxaa nan la ogeyn ujeedada dhabta ah ee ka dambeysa shirkooda.

Warar ay baahineyso saxaafada maxaliga ah ayaa waxay sheegayaan in mas'uuliyiinta ay kawada hadleen arrimo quseeya siyaasadda Soomaaliya iyo Somaliland.

Hase ahaatee, Faysal ayaa taageero weyn u muujiyey Axmed Maxamed Islaam oo cadaadis kala kulmay dowladda federaalka Soomaaliya oo kasoo horjeesatay doorashadiisii bishii August 2019.

Mas'uuliyiinta Jubaland ayaa sheegay in Mr Waraabe oo caleema saarka kaga baaqday "xaalada soo kordhay".

Xukuumadda Muuse Biixi Cabdi ayaa siyaasiyiinta degaanadda maamulkaas u sheegtay in ay ka qaadeyso "talaabo waafaqsan sharciga" in ay kasoo muuqdaan munaasabada oo dhacday October.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somaliland oo hambalyo u diray Axmed Madoobe ayaa sidoo kale baajiyey safarkooda.

Is-aragga labadda dhinac ayaa waxaa qayb ka ahaa Maxamuud Aadan Ilkacase, agaasimihii hore ee Wasaaradda Shaqogelinta Somaliland, oo kasoo muuqday caleema saarka Axmed Madoobe.

Somaliland ayaa sheegata in ay ka madax banaan tahay Soomaaliya, balse wuxuu caalamka u arkaa maamul goboleed hoostaga xukuumadda fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale, Faysal Waraabe ayaa isla magaaladda Nairobi wuxuu kula shiray, Cabdiraxmaan Mahdi Maadey, gudoomiyaha cusub ee ururka ONLF.

Sidda laga soo xigtay saxaafadda, labadda xisbi ayaa isla qaatay horumarinta nabada iyo xasiloonida labada degaan.

Bishaan November 12-keeda, Jabhadda Xorreynta Ogaadeen, ayaa u dooratay Cabdiraxmaan Mahdi Maadey, in uu noqdo hogaamiyeyahooda cusub markii Itoobiya u aqoonsantay xisbi mucaarad.

Axmed Madoobe iyo Maadey oo socdaal shaqo ku joogo Nairobi ayay wararku sheegayaan in ay dhankooda is-arkeen,xili jirto xiisad u dhaxeysa Addis Ababa iyo Kismaayo.

Maamulka Mustafa Cagjar ee ka jira degaanka Soomaalida halkaas oo ONLF ka howlgasho ayaa xiriir dhow la leh Villa Soomaaliya, wuxuuna taageersan yahay xadgudubka Itoobiya ee gobolka Gedo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM