Filish: Dad badan oo aan garanayo ayaa Covid-19 ugu dhintay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa Khamiista maanta ah ku dhawaaqay in dad badan oo isagu shaqsi ahaan uu garanayo ay u dhinteen fayruska Corona.

Cumar Maxamuud Maxamed [Cumar Filish] ayaa ka dhawaajiyey in qaabka kaliya ee dadka ku dhaqan caasimadda uga badbaadi karaan xanuunka ay tahay in ay raacaan talooyinka caafimaad.

Mr Filish oo sii hadlaya ayaa carabka ku adkeeyay in caabuqa uu si weyn ugu faafay magaala madaxda, balse aqoonta loo leeyahay oo hooseysa awadeed ay keentay in dadka ay garan-wayaan.

Shacabka malaayiinka ah ee ku nool caasimadda ayuu cod dheer ugu booriyey in ay raacaan talaabooyinka dowladda ee looga hortagayo.

Isagoo u muuqda mid ka jawaabaya hadalo kasoo yeeray siyaasiyiin, Filish ayaa meesha ka saarey in ajande siyaasadeed ay xukuumadda ka leedahay faafinta macluumaadka la xiriira fayruska.

"Dad aan anigu garanayo oo aan dibad ka imaan dalkoodana joogay ayaa cudurkan u geeriyooday, sidaas darteeda, talooyinka la idin siinayo qaata, ma jirto wax aan idinkaga sasabaneyno inaan been idiin sheegno hal, arrintaan waa halis," ayuu ka sheegay munaasabad xarig jarka waddo la dhisay.

Wasaaradda Caafimaadka federaalka ayaa waxay saadaalisay in todobaadyadda soo aadan ay Muqdisho kasoo if-bixi doonan kiisas badan oo Covid—19 ah, waxayna dadka ku boorisay in ay gurigooda joogaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM