Filish oo si dadban ugu hanjabay murashaxiinta ku shiray Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed, ayaa u jawaabay murashaxiinta madaxtinimada ee ku shiray magaaladda Muqdisho.

Cumar Filish oo ka hadlay shir ay Villa Soomaaliya ku amartay in uu qaban-qaabiyo ayaa ku adkeystay in xukuumadda federaalka ay xaq u leedahay in ay soo magacowdo guddiyada doorashada.

Filish ayaa hoosta ka xariiqay in dowladda waqtiga kasii dhacayo ay tanaasul ka sameysay qabashadda doorasho qof iyo cod ah arrintaasoo uu tibaaxay in ay diyaar-garow ka sameysay.

Wallow uusan ku sifeyn murashaxiinta, Aayad Qur'aan ah oo ka hadleysa munaafaqiinta ayuu soo daliishay taasoo ALLE uu ku amrayo in la dilo ama la laayo munaaqafiinta.

"Maanta in nagula handado Anigu hawiye ayaan nahay Qori ayaan soo qaadaneynaa sax miyaa? Dhinaca kale Maxamed Xuseen Rooble hawiye ma ahan miyaa? Ra'iisul Wasaare sow maaha? Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaan ahay gobolkan mas'uuliyadiisa iyo ammaankiisa aniguu i saaran yahay...anigu Hawiye ma ahi miyaa duurka miyaan ka imid," ayuu yiri.

Isagoo la hadlaya taageereyaasha Villa Soomaaliya ayuu ku daray: "Maku dhacaan in ay qashqashaadaan xasiloonida aad ogtihiin inta wiil ee idinkaga dhimatay. Ogaada kuwa soo diray ayay muujiyeen in ay shaqeeyaan. Xaqiiqadu waa sidaas. Hadii ay isku dayaan in ay qalalaasena ALLE ayaa noo tilmaamay talaabada aan ka qaadi lahayn".

Markii uu hanjabadaas bixiyey, Cumar Filish oo afkiisa ka dhowray in uu kusoo qaado murashaxiinta ayaa soo xigtey Aayadda ka hadleysa munaaqafiinta uu EBBE ku farayo in la laayo.

Dhanka kale, Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo u jawaabay Cumar Filish ayaa ku booriyey "in uu iska dhigo qoriga dabka ah ee ay u soo dhiibeen Farmaajo iyo Fahad Yaasiin".

"Cumar finish wuxuu yiri musharaxiinta meeshii lagu arko halagu dilo. Cumarow qoriga dabka ah ee Fahad iyo Farmaajo kuu soo dhiibeen dhulka iska dhig adigu haku gubanine!" ayuu kusoo qoray Facebook.

Wuxuu ku daray: "Hadii dhago wax maqlaa kugu yaalaanna, dad dilow hakuu dambeeyo ee duqiyow xarunta dowlada hoose Gudoomiyaha aad ka tahay ee halka asbuuc korontadu ka dansantahay biilkeeda iska bixi!".

Murashaxiinta madaxtinimada oo bayaan soo saarey maanta oo Khamiis ah waxay ku adkeysteen in ay qaban doonan doorasho u gaar ah hadii dowladda ay ku adkeysto nidaam aan loo dhameyn.

MUUQAALKA FILISH

GAROWE ONLINE

Related Articles

Janan oo ku eedeysan dembiyo culus oo DF u xil-saartey fulinta qorshaheeda Gedo

Gedo ayaa ah barta khilaafka, waxaana dowladda federaalku u aragtaa meel istaraatiiji ah oo lagama maarmaan u ah hirgelinta ajandaha siyaasadeed ee Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 08:06PM

Al-Shabaab oo Ku Guuleystay Dib U Qabsashada Deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay si isdaba joog ah u wadaysay olole dagaal oo ay ku doonayaan.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:53AM