Fiqi: llhaan Cumar waa in aysan 'afhayeen' u noqon Al-Shabaab

Image
Ilhaan Cumar [midig] iyo Axmed Macalin Fiqi [bidix]. [Isu-geynta sawirka: Garowe Online]

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Maamulka Galmudug ayaa si adag wuxuu ugu jawaabay walaac ay shalay Xildhibaanad Ilhaan Cumar ka muujisay duqeymaha diyaaradaha dagaalka dalka Mareykanka ay ka fuliyeen gobolka Mudug todobaadkii lasoo dhaafay.

Wasiirka amniga maamulkan xaruntiisu tahay Dhuusamareeb, Axmed Macalin Fiqi, ayaa ku booriyey Ilhaan "in ay haboon in ay ka digtoonaato in hadalkeedu u ekaado hiil ay u fidinayso argagixisada Alshabaab ee dhibaatada ku haysa umadda Soomaaliyeed".

Qoraal uu ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayuu ku sheegay in aysan jirin waxyeelo shacab kasoo gaarey weerarkaas ka dhacay duleedka Gaalkacyo isla markaana milatarigu sheegay in lagu khaarijiyey tobanaan maleyshiyadda kamid ah.

"Waxaan ku suganahay oo dul istaagay goobihii gantaalada ay ka hadlayso ay ku dhaceen, waxaan argagixiso ahayn wax kuma noqon, gantaalahaas barakaysan waxay sababeen in la burburiyo goobihii laga soo abaabulay qaraxii lagu dilay taliyaashii Qeybta 21aad iyo taliyihii iyo taliye ku xigeenkii, Ururka Danab ee Galmudug ka hawlgala, saraakiil iyo shacab kale iyo sidoo kale qataro kale looga maleegayay dadka deegaanka iyo ciidamada ku sugan aagga Bacaadweyn, ahaydna xarunta lagu sameeyo qaraxyo la galiyo wadooyinka dadweynuhu isticmaalo oo dad shacab ah iyo duunyaba ay ku waxyeeloobeen bishii Juun iyo July-da aan ku jirno," ayuu hoosta ka xariiqay Mr Fiqi.

Wuxuu ku daray: "Gabadheena Ilhaan ma haboona in ay afhayeen u noqoto Alshabaab, miyaysan ogayn in 27 Juun 2021 dhowr iyo soddon qof oo shacab u badan in argagixisadu ay ku xasuuqday Wisil, Maxayse ku qancinaysaa eheladii dadkooda ay Shabaab xasuuqeen, mise Ilhaan waxay bixinaysaa ruqsad Alshabaab wax ku dili karo oo aan ayaga lagu dili karin!".

"Waxaan ka mahadcelinaynaa taageerada dhanka cirka ah ee ciidamada maraykanku ay siinayaan Dawladda Soomaaliya si gaar ah midda Miraha la taaban karo keentay ee Galmudug ay ka wadeen todobaadyadii la soo dhaafay," ayuu xusay.

Fiqi ayaa hadalkiisa wuxuu kusoo xiray: "Ilhaan waxaa u quman in ay taageerto hawlgallada la dagaalanka argagixisada ee Soomaaliya sida wadajirka ah looga wado, haddii kale ay iska aamustaa oo aysan godob ka gelin dalkeedii iyo dadkeedii ay ka soo jeeday!.! Dumaashi dagaalka nala soo gal!".

Ilhaan ayaa warqad ay u dirtay madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden waxay ku in uu sharaxaad ka bixiyo sharciyadda iyo saameynta ka dhalatay howlgalkaas dhanka cirka ah kuna wargelisay in la baarlmaray siyaasadiisa ee howlgaladan noocaan kale ah.

Siyaasadaas oo maamulka Biden soo saarey oo hadafkeedu yahay in la yeerayo ama laga hortago waxyeelada shacabka ayaa xeerineysa in amar kasta uu duqeyn lagu fulinayo ay qasab tahay in uu ogolaanshiyaha ugu dambeeya uu ka yimaado Aqalka Cad.

Sida saxaafadda Mareykanka ay xaqiijisay, duqeyntii dhacdey Talaadadii todobaadkan fasax lagama bixin Washington. Waaxda difaaca Mareykanka waxay cuskatay "difaac nafsi". Balse, Ilhaan Cumar waxay tibaaxdey in ay tahay "qiil aan marnaba loo meel-dayi karin".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jawiga uu maanta ku furmay shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey furitaanka kulankan isha lagu hayo.

  • Soomaliya

    14-05-2024

  • 03:59PM

Imaaraadka Carabta oo qaatay gaadiid ka yaallay xerada Jeneraal Gordan

Baabuurtan qaarkood duugowday ayaa laga baqay in ay u gacan-galaan dagaalameyaasha Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    14-05-2024

  • 04:27AM