Fiqi oo digniin kasoo saarey qorshe uu wado Odowaa

Image
Taliyaha ciidamadda Soomaaliya ayaa la sheegay in uu ka dagay magaaladda Guriceel.

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha ciidamada xoogga Soomaaliya wuxuu Guriceel u tagay si uu u huriyo colaada laga cabsi qabo in ay ka qaraxdo Galmudug, sidda maanta uu sheegay Axmed Macalin Fiqi.

Fiqi oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee Facebook ayaa daaha ka rogay in Odowaa lagula xisaabtami doono cawaaqib kasta oo ka dhasha iska hor-imaad kasta oo ka dhaca magaalada.

Sida laga soo xigtey Fiqi oo dhowaan iska casilay xilka wasiirka amniga Galmuudg, Odowaa ayaa "soo joojiyey dhamaan furihii dagaalka ciidamadda xoogga dalka ee ka dhanka ah argagixisadda".

"Odowaa wuxuu dagaal u aaday Guriceel asagoo sheeganaya taliyaha ciidanka XDS, shalayna wuxuu hogaaminayey dagaalkii muddo kororsiga qasabka ah ee Muqdisho iyo kii banaanbaxyada lagu diidanaa," ayuu yiri.

Wuxuu ku daray: "Wuxuu dhabarka u ridanayaa oo lagula xisaabtami doonaa mas’uuliyadda ficilkiisa gurracan ka dhalata, ayadoo ay muuqato inuusan fahamsanayn waajibaadka xilka loo igmaday".

"Dhammaan wuxuu soo joojiyay furimihii dagaalka ee ciidamada XDS ay kula  jireen argagixisada, uma malaynayo taliye ka mid ah kuwii soo maray XDS inuu yeeli lahaa waxa Odowaa yeelayo iyo sida loo isticmaalayo. Waa nasiibdarrada ciidamadeena ku habsatay," ayuu kusoo xiray hadalkiisa.

Xoogaga Ahlu Sunna ayaa dhowaan la wareegay Guriceel halkaasoo ay hareeyeen milatariga oo sugaya amar kaga yimaada madaxda sare si ay duulaan ugu qaadaan magaalada caanka ku ah ganacsiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo si Adag u Diidday Wax ka Bedelka Dastuurka Federaalka Soomaaliya

Puntland waxay caddeysay inay aqoonsan tahay oo keliya Dastuurka KMG ah ee lagu heshiiyey sannadkii 2012.

  • Soomaliya

    02-03-2026

  • 09:05PM

Xildhibaannada Baarlamaanka oo Laga Mamnuucay inay ka baxaan Muqdisho

Koox xildhibaanno federaal ah oo u safrayay Garoowe ayaa shalay lagu qasbay inay dib ugu soo laabtaan Muqdish.

  • Soomaliya

    02-03-2026

  • 08:32AM