Fiqi oo si carro leh uga hadlay war kasoo baxay AFRICOM [Dhageyso]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa [AFRICOM] ayaa shaaciyay in dadkii ay ku dileen howlgalkii ay ka fuliyeen 25-kii bishii August ay ahaayeen cadow hubaysan.

AFRICOM war qoraal ah oo ay soo saartay ayaa lagu sheegay in baaritaan kadib ay ogaadeen in wax shacab ah aysan ku dhiman weerarkii ka dhacay beerta ku taalla nawaaxiga Bariire.

Warkan ayaa lidi ku ah mid kasoo baxay dowladda Federaalka isla bishii August oo ay ku sheegtay in 10 ruux oo shacab ah lagu dilay howlgalka ciidamada Mareykanka iyo kuweeda ka fuliyeen Bariire.

Waxay sidoo kale dowladda Soomaaliya ka bixisay dadkii ku dhintay weerarka lacag magdhaw ah, taasi oo gaarayso 100-kun oo dollar qofkiiba, sida wararku ay sheegayaan.

Axmed Maclin Fiqi, oo ah Xildhibaan katirsan Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay BBC-da ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay warka kasoo baxay Mareykanka ee lagu sheegay in cadow ay ku dileen howlgalka.

Fiqi ayaa tilmaamay in dowladda Federaalka, gaar ahaan Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha ay Twitter-dooda ay kusoo qoreen in weerarka dad shacab ah lagu dilay, haddana wax yar kadib ay ka tireen markii sida uu sheegay ay la kulmeen cadaadis dibada ah.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale xusay in AFRICOM warkooda uu xad-gudub ku yahay cadaaladii ay sugayeen ehelada dadkii rayidka ahaa ee lagu dilay, islamarkaana ay ayaan darro ku tahay dowladda Federaalka oo wali ka aamusan dhacdadaasi.

Gudi xaqiiqa raadis ah, oo uu hogaaminayo Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaalle oo tagey Bariire weerarka kadib ay warbixinta baaritaankooda kusoo celiyeen Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha, balse ay meel iska dhigeen kiiska oo dhan, sababtuna tahay cadaadis dibadda uga imaanaya.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM