Firdhiye oo fariin adag u diray UK: Ka jooga inta aanan idinku khasbin in aad diyaaradihiina soo kicisaan

Image
Hogaamiyaha ayaa wacad ku maray in uu awood ciidan kula macaamili doono Ingiriiska.

LAASCAANOOD, Soomaaliya - Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Firdhiye ayaa maanta soo hadal qaaday doorka UK ay ku leedahay arrimaha SSC, isaga oo si adag u cambaareeyay isku dayga Ingiriiska ee ay ku wiiqeyso maqaamka maamulkaasi oo ay dhawaan aqoonsatay Dowladda Federaalka.

Hoggaamiyaha oo cabiray aragtidiisa ku aadan moqfika Ingiriiska ayaa yiri: “Waxa ay ka soo horjeedaan qadiyaddeena, waxa ay inoo sheegeen in aanay ogoleyn jiritaanka SSC-Khaatumo”.

Firdhiye ayaa ayaa wacad ku maray in uu awood ciidan kula macaamili doono Ingiriiska, isaga oo ka faalloonaya siyaasaddeeda arrimaha dibadda Ingiriiska ee ka soo horjeeda danaha SSC-Khaatumo.

Wuxuu intaas raaciyay: “Waxaanu leenahay inta aanan idinku khasbin in aad diyaaradihiina soo kicisaan ka jooga waxa aad waddaan, lama Joogo xiligii 1921 waannu ka xoog badan nahay xilligaa."

Ingiriiska ayaa xidhiidh adag la leh Somaliland oo weli xad-gudubyo ka geysanaya xuduudka ay la leedahay maamulka SSC-Khaatumo, taas oo keentay in hoggaamiyaha maamulkaas uu si adag uga hadlo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM

Turkiga oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay xil ka tuuristii Laftagareen

Eedaymahan ayaa imaanaya xilli magaalada Baydhabo ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada xoogga dalka.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:47PM