Fly Dubai oo kusoo biireysa loolanka suuqa duulimaadka Soomaaliya

Image
Qatar Airways iyo Turkish Airlines ayaa uga horeeyay suuqa kuwaasoo hadda culeyska ku kordhi doono.

MUQDISHO, Soomaaliya - Shirkadda Fly Dubai ayaa lagu waddaa in duulimaad toos ah oo maalinle ah ka bilowdo magaalooyinka Dubai iyo Muqdisho - laga bilaabo 9-ka bishan Maarso.

Talaabadan ayaa imaanasa madib markii xiriirka xumaaday ee wadamadda Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ay hagaajisay dowladda hadda jirta ee madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud.

Flydubai waa diyaaradda fadhigeedu yahay Dubia. Diyaaradan ayaa la filayaa in ay laba jibaari doonto duulimaadyada laga bilaabo 1-da June, sidda uu sheegay wasiirka warfaafinta, Daa'uud Aweys.

Talaabadan ayaa waxay Fly Dubai uga dhigaysaa magaaladii labaad oo Soomaaliya ku taalla oo ay ka howlgasho kadib Hargeysa oo ay duulimaadyo toos ah horey uga bilowday.

"Shirkadda Diyaaradaha Fly Dubai ee Imaaraadka Carabta waxay 9-ka bisha March ay duulimaadyo toos ah ay ka bilaabi doontaa Muqdisho; saddex bilood kadib waa la kordhin doonaa maalmaha," ayuu yiri wasiirka.

Fly Dubai ayaa la aaminsan yahay in ay ku jirto liiska shirkadaha miisaaniyadooda ay yar tahay isla markaana inta badan ka howlgasha dalalka ay colaadaha ka jiraan iyo kuwa saboolka ah

Daahfurka duulimaadka Muqdisho iyo Dubai ayaa imaanaya iyadoo Qatar Airways ay horay uga hawlgeli jirtay Soomaaliya waxaana ay suuqa kula tartamayso Shirkadda Turkiga ee Turkish Airlines.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM