Francisco Madeira oo la qorsheynayo in laga eryo Soomaaliya

Image
Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble ayaa la filayaa in uu talaabadan ku dhaqaaqo.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul wasaare Rooble ayaa qorsheynaya inuu dalka ka cayriyo Ergayga Midowga Africa, ahna madaxa AMISOM Francisco Madeira, sidda ay xaqiijiyeen illo xog-ogaal ah.

Madeira oo ah diblumaasi sarre kana soo jeeda Mozambique ayaa si weyn loola xiriiriyaa madaxweynaha muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey Mohamed Abdullahi Farmaajo.

Xogta ayaa intaasi ku daraysa in Francisco Madeira uu diidey dalab uga yimid Rooble, oo ah inuu ciidamo xoojin usoo diro Madaxtooyadda si looga hortago isku-daygii afgembi ee uu sameeyay Farmaajo Dec 27. 

Dhanka kale, xafiiska Francisco Madeira ayaa illaa haatan wuxuusan ka hadlin eedeymaha loo jeediyo oo ah in uu si dhow ula shaqeeyo Farmaajo kaasoo wajahaya eedeymo ku aadan kursi jaceyl.

Farmaajo iyo Rooble ayaa haatan xiriirkooda uusan wanaagsaneyn. Labada mas'uul ee ugu sareeya dalka waxay isku hayaan dhowr arrimood oo la xiriira daahfurnaanta geedi-socodka doorashooyinka dalka.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa isku dayaysa in ay saameyn ku yeelato nidaamka doorashooyinka soo aadan, hase ahaatee, mucaaradka wuxuu dalbadey in ay gacmaha kala baxdo.

Wasiirka koowaad ee xukuumadda xilgaarsiinta ayaa haatan mas'uul wuxuu ka yahay daadihinta geedi-socodka doorashooyinka waxaana heshiiskii u dambeeyay xeerinayay in uu sii xoojiyo doorkiisa hogaamineed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM